Dhaqashada lo’du ayaa ka nabaad guurtay koonfurta gobolka Sool oo ay dhaqashadeedu caan ku ahayd, taasoo ay keentay roobabkii degaankaas ka da’ayay oo yaraaday 7-dii sano ee la soo dhaafay ayna ka dhalatay xaaluf ku yimid cawskii dooxooyinka ka baxayey oo lo’du daaqi jirtay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay khabiir deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Suleymaan Cali.
Wuxuu madax ka yahay urur ka shaqeeya arrimaha deegaanka kana dhisan gobolka Sool oo lagu magacaabo deegaanka Cagaarshe, wuxuu sheegay in deegaankaasi markii hore ahaa dhul dooxooyin ah oo biyaha kaydsada, kaddibna caws wanaagsan bixiya, laakiin xilliyadii roobabka oo ay wax iska baddeleen ay taas meesha ka saartay.
“Roobabka dhulku waxay ahaayeen labo xilli, hadda labadii sano mar ayaa roob da’aa weliba xilliga Dayrta, waana isbedel cimilo oo aan horay loogu arag deegaanka,” ayuu yiri Maxamed.
Dadka lo’da dhaqda ee deegaankaas ayaa sheegaya in lo’du ka nacfi badan tahay xoolaha kale, siiba dhinaca caanaha iyo subagga, ayna tahay sababta dadka dhaqanayay ay muhiim ugu ahayd.
Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac oo ka mid ah dadka deggan Qorilay wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu ahaa lo’lay lahaana 120 sac sanadkii 2014 laakiin hadda ay uga hartay 2 neef, intii kalena ay u dhamaatay calaf la’aan markii uu xaaluf ku dhacay deegaanka.
“Keligay ma ahan, qoysaska deegaanku aad ayay lo’da u dhaqan jireen, degaankuna wuxuu ahaa dhul dooxooyin ah oo caws iyo biyo leh lo’duna aad ugu dhaqanto, hadda haddaad wareegto neef lo’ ah ma arkaysid, horayna meel kasta waad ku arkaysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Cawska dooxooyinkaasi caanka ku ahaayeen ee hadda la waayay waxaa ka mid ahaa gargarada, birraha, gelmista iyo duurka, dhulka cawsku ka bixi jirayna wuxuu noqday banaan.
“Arigii aan lahaa weli 96 neef ayaa ka haray, oo xoolaha kale geedaha sare ayay daaqaan, lo’duse cawska iyo caleenta qalashay ee dhulka taal ayay ku noolayd,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Wuxuu sheegay abaartii 2017-kii in dad badani lo’dii ula hayaameen dhinaca bariga, ayna kaga soo dhamaatay iyagana, isaguse uusan hayaamin sababo uu ku sheegay qarashka gaadiidka lagu hayamayo oo badnaa oo uusan haysan waqtigaas.
Dadka lo’da dhaqda ayaa sidoo kale roobabka yaraaday ka sokow, waxay sheegayaan in degaanmaynta oo ku badatay dhulkaas ay iyana qayb ka tahay xaalufka dhulka ku yimid.
Abaaraha ka sokow, dadka deegaankaasi waxay sheegeen in deegaamayntu ay ku badatay dooxooyinkii, saddexdii sano ee la soo dhaafay oo keliya deegaanka Qoriley waxaa laga dhisay 8 tuulo iyo berkadahoodii biyaha.
Dooxoyinka hadda bannaanka isu baddeley ama degsiimooyinka laga dhigtay waxaa ka mid ah ah Caana-xadhigle, Dhoon iyo Damal-lagub.
Lo’da oo ka adkaysi yar xoolaha kale sida geela iyo adhiga, maalin ka badan biyaha kama qadi karto sidoo kale laba maalin ka badan daaq la’aan ma ahaan karto waxayna wajahaysaa xaalad adag waxaana ku adag inay sii noolaato.
Dr. Jaamac Axmed Ducaale oo ah dakhtar xoolaad wuxuu sheegay in roobabkii oo yaraaday iyo deegaanka oo xaalufay inay sabab u tahay dhammaadka lo’da.
“Neefka lo’da ahi biyaha maalin ugu badnaan laba maalin ayuu ka qadi karaa, markay gaajooto muddo todobaad ah ayay ku fadhiisanaysaa oo waa nugul, maaha sida geela iyo adhiga oo kale oo iyagu 8 maalmood ka badan ma qadi karto,” ayuu yiri Dr. Jamac.
Wuxuu intaas ku daray in lo’du ay u baahan tahay ugu horayn inay ku dhaqanto dhul cimiladiisu kululayn oo siman banaan ah oo buura ahayn dhirna leh.
Deegaannada lo’ dhaqashada caanka ku ahaa ee koonfurta gobolka Sool waxaa ka mid ahaa Qorilay, Karin-dabayl-weyn iyo Kala-baydh. Deegaannadaan ayaa markii hore helista biyaha iyo cawsku ku badnayd haddase xaalufay.
Jaamac Maxamed Aadan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada lo’da dhaqan jiray, intuu xasuusan yahay waxaa qoyskoodu dhaqan jiray lo’da wuxuuna abaartii deegaankaasi ka dhacday sanadkii 2016 dabayaaqadiisii ku waayay 55 neef oo lo’ aha.
“Hadda waxba iima harin, noloshaydana lo’day ku tiirsanayd oo caanaha iyo subagga ayaan iib geysan jiray,” ayuu yiri Jaamac
Inkastoo xilligii gu’ga ee ina dhaafay uu roob wanaagsan helay Soomaaliya haddana lo’du weli waa mid degaanada waqooyi bari ee Soomaaliya meelihii lagu dhaqan jiray ka nabaad-guurtay siday sheegayso warbixin ay 4-tii bishaan Septmeb soo saartay hay’adda la socoshada haqab-beelka cuntada ee FSNAU.
Xigasho: Radio Ergo