Soomaaliya oo ka qarracantay booqashadii Somaliland ee Kiiniya sheegtayna in ay Kiiniya xidhiidhka u jartay iyo Kiiniya jawaab ka bixisay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa 1.40 daqiiqo ee nuskii dambe ee xalay shir-saxaafadeed ku baahisay in ay xidhiidhkii diblomaasiga ahaa u jartay Kiiniya, eryeyso diblomaasiyiinta Kiiniya soona kaxaysanayso diblomaasiyiinteeda.

Shir-saxaafadeedkaas oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa sheegay in ay go’aankooda gaadheen kadib markii ay Kiiniya caadaysatay farogelinta Soomaaliya (taas oo sida muuqata loola jeedo safarka Madaxweynaha Somaliland).

Kiiniya ayaase sidaa si ka duwan ugu jawaabtay, sheegtayna in ay xalka ka eegi doonto dhinaca wanaagsan.

“Annagu (Kiiniya ahaan) waanu ka sarraynaa Soomaaliya. Sidooda oo kale uma dhaqmayno. Haddii aan sidooda u dhaqanno, waxaanu noqonaynaa iyaga oo kale” sidaa waxa yidhi Af-hayeenka Dawladda Kenya, General Cyrus Oguna oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay Kiiniya.  Oguna wuxu intaa ku daray in ay saari doonaan guddi arrinta daraasaysa.

Safarka Madaxweynaha ka hor, Soomaaliya iyo Kiiniya xidhiidh caynkaas ahi kama dhaxayn, iyadoo Soomaaliya safiirkeedii kala soo baxday Kiiniya, isla markaana eriday Safiirkii Kiiniya taas oo ay ku sifaysay farogelin ay Kiiniya ka waddo maamul-goboleedka Jubbaland.

Hase ahaatee dadka siyaasadda Soomaaliya u kuur daloola ayaa tibaaxay in Farmaajo uu rabo in uu ka dhaadhiciyo Soomaalida in uu yahay qof waddaniyaddu ku dheer tahay oo hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaaliya kaga dawan in uu farogelinta ka joojiyo Soomaalida.

Dhanka kale mucaaradka ayaa ku eedeeya Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha ugu waddaniyadda yar iyagoo tusaale u soo qaata in uu Qalbidhagax dhiibay isla markaana uu isku dhiibay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Mucaaradka ayaa sidoo kale aaminsan ficillada Madaxweyne Farmaajo in ay salka ku hayaan doorashooyinka ku soo fool leh dalkooda, kaas oo uu Farmaajo xusul-duub ugu jiro in uu mar kale soo laabto.

Bandhige@gmail.com