Soomaaliya waxay sheegtay in saldhiga Imaaraadka ee Berberi keenayo aqoonsiga Somaliland

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay cabasho rasmi ah u gudbin doonto dalka Imaaraadka Carabta, inay ku xadgudbayso midnimada dalka, isla markaana olole ugu jirta burburinta heshiiskii Somaliland ugu ogolaatay Imaaraadka carabta inay saldhig Milateri ka samaystaan magaalada Berbera, maadama taasi keeni karto aqoonsi dalka Imaaraadka Carabtu siiyaan Somaliland.

Sida uu ku shaaciyey  shalay waraysi telefishanka Al Xiwaar, oo fadhigiisu yahay magaalada London, kana hadla arrimaha wadamadda Carabta, qeybtiisa luuqada Carabiga ku hadashay u xaqiijiyey Xasan Cabdi Xayle, oo ahaa la-taliyahii hore Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku xaqiijiyey in sababta Soomaaliya uga soo horjeedo, una diidan tahay heshiiska Saldhiga dawlada Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso magaalada Berbera keenayo aqoonsi Somaliland ka hesho Imaaraadka, isla markaana laba u kala jara Soomaaliya.

Telefishanka Al Xiwaar oo weydiiyey sababta Soomaaliya ugu gudbin weyday cabashadooda dawlada Imaaraadka ayuu masuulkan ka tirsanaa Soomaaliya sheegay, inuu ku soo beegmay xilli kala guur soo shaac-baxa heshiisku, xilligana bilaabi doonto Soomaaliya ka hortaga dhamaystirka heshiiskaa

Waxuu kaloo sheegay in masuuliyiinta xukuumada Soomaaliya cabashadooda u gudbiyeen xafiiska Qaramadda Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho,  sida uu xog ku helay.

Xasan Cabdi Xayle oo la waydiiyay sababta Koonfurta Soomaaliya Ay uga Socdaan qaska iyo dagaalada Isla markaana Somaliland nabad iyo xasilooni uga jirto ayaa ku dooday in Somaliland tahay meel jabhad ka taliso, sidaa darted nabad u noqotay.

Hadalka khabiirkan dhinaca siyaasada kala talin jiray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujinaya dedaalada Soomaaliya ugu jirto horistaaga  inuu guulaysto heshiiska dhowaan laba gole Baarlamaan, Guurtida iyo Wakiiladu cod aqlabiyad ah ugu ogolaadeen  xukuumada Somaliland inay si rasmi ah ula saxeexato Dawlada Imaaraadka Carabta heshiis ay ugu ogolaanayso saldhig Milateri ay ku yeeshaan magaalada Berbera.

Dhinaca kale, Xisbiga mucaaradka ee Wadanni oo maalmahii ugu dambeeyey waday olole ay ku diidan yihiin saldhig milateri oo xukuumada Imaaraadka Carabtu ku yeesho dalka, isla markaana qaaday talaabooyin kala duwan oo kaga midho-dhalinayaan ololahooda diidmada, sida warbaahinta gudaha qaarkood qoreen inay waraaqo cabasho ah u gudbiyeen madaxda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayey xilligan soo baxayaan in sababaha ugu waaweyn ee diidmadoodu tahay, ifafaalaha isbedelka siyaasadeed ee u keeni  karo saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka Carabta ku yeelanayso dalka oo noqon kara mid keena aqoonsi Caalami oo Somaliland ka hesho dalka UAE.

Halkan hoose ka daalaco waraysiga Al Xiwaar:

 

Xigash: http://somalilandspan.com

 

bandhige@gmail.com