South Africa: Rabshadaha K/Afrika oo ku fiday Johannesburg!

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ugu baaqay shacabka wadankiisa inay isdajiyaan, kadib markii rabshadaha ajaaniib-naceybka ah ay gaareen magaalada ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg.

Xarunta ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika (Johannesburg) ayaa waxaa maanta oo Jimce ah xiran qeybo kamid ah goobaha ganacsiga, kadib markii Khamiistii shalay magaalada laga dareemay rabshado lamid ah kuwii ka dhacay magaalada Durban.

Johannesburg ayaa ahayd goobtii ugu xumeyd oo ay ka dhaceen rabshadihii sanadkii 2008 oo lagu dilay 60 ajaanib ah oo ay ku jiraan Soomaali.

Xiisadaha hada dib uga soo cusboonaaday wadankaasi ayaa ka bilowday magaalada Xeebta saaran ee Durban, waxaana shalay gelinkii danbe magaaladaasi ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo weerarada lala beegsanayo dadka Ajaanibta ah.

South-Afrika-Rabshado-Ajaanib-Naceyb2015-2

Dad gaaraya 5000- oo qof ayaa ka qeyb qaatay banaanbax lagu taageerayo dadka ajaanibta ah loogana soo horjeedo kooxaha boobka iyo dilka la beegsanaya dadka soogalootiga ah.

Madaxweyne Jacob Zuma oo Khamiistii shalay Baarlamaanka dalkaasi khudbad kasoo jeediyey ayaa ku tilmaamay rabshadaha dalkiisa ka socda “…Wax laga naxo…” oo aan loo dulqaadan doonin.

Ajaanibta ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Durban ayaa hada bilaabay inay iska xaadariyaan xeryo looga sameeyey qeybo kamid ah magaaladaasi, halkaasi oo ay hada tageen dad gaaraya 2000- qof oo naftooda la cararay.

Dadka kasoo jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Nigeria, Musambiik, Mali iyo Zimbabwe oo xarumahooda la wareeray ayaa hada bilaabay inay is-hubeeyaan si ay isaga difaacaan dadka rabshadaha wada.

South-Afrika-Rabshado-Ajaanib-Naceyb2015-4

Qaar kamid ah muwaadiniinta Koonfur Afrika ayaa aaminsan in shaqa la’aanta dalkooda ka jirta ay salka ku heyso dadka soogalootiga ah oo kala wareegay ganacsiga iyo fursadaha shaqada ee wadankaasi.