Sucuudiga oo sameeyey is-bahaysi ka kooban 34 dal oo Islaam ah oo la dagaalama ISIS

Xukuumadda Sucuudiga ayaa samaysay isbahaysi ka kooban 34 dal oo la dagaalama kooxda xagjirka ah ee ISIS. Is-bahaysigan waxa loogu magac daray “Midowga Milatariga Muslimiinta.”

Isbahaysigan waxa ka mid ah inta badan waddamada Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Carabta oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Imaaraadku iyo waliba waddamo kale oo Afrika iyo Eeshiya sida Nayjeeriya, Baakistaan iyo Maleeshiya. Sidoo kale waxa khariiddada 34-ka dal ka muuqda Soomaaliya oo teediiba la ciirciiraysa.

Waxase meesha ka maqan Iiraan, Ciraaq iyo Suuriya. Sababta looga reebay lama oga laakiin waxa loo aanaynayaa in ay la xidhiidho saddexdan dal oo ay hoggaankooda hayaan Muslimiin Shiico ah.

Hawl-gallada milatari ee ay is-bahaysigani sameeyaan waxay noqon doonaan qaar ka shidaal qaata shuruucda maxaliga ah, laakiin is-bahaysigu wuxu la shaqayn doonaa beesha caalamka.

Waxa laga dhur-sugayaa sida ay isbahaysigani iskula jaan-qaadi karaan iyadoo ay ka wada mid yihiin waddamo danahoogu iska soo horjeedaan.

Bandhige@gmail.com