Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay hoggaanka Dalladda Dhallinyarada SONYO 

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa shalay la kulmay masuuliyiin sare oo ka socotay Daladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Siyaad Cumar Cali.

Ujeedada kulankan waxay ahayd  si uu xog dhammaystiran uga helo wixii sannadkan 2015-ka Dallada SONYO u qabsoomay, wacyiga, waayaha iyo duruufaha haysta iyo qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay Dhallinyaradu leeyihiin sannadka 2016-ka.

Ugu horrayn waxa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO Siyaad Cumar Cali oo Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka xog-waraysiga ah ee uu ugu yeedhay Dhallinyarada. Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Madaxweynaha isagoo sheegay inuu kor u qaaday hanka iyo himilada Dhallinyarada Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu tibaaxay in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor ay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan la hawaysan karin in la arko Dhalllinyaro da’yar oo Qaranka ka haya Xilal iyo masuuliyado sare.

Sidaa darteed uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo yahay ka Dhallinyarada ka furay  dabarkii ku xidhnaa ee ka horjoogay fursadaha horumarka iyo inay talada dalka wax ku yeeshaan, taasina ay Dhallinyaradu Madaxweynaha ugu hayaan abaal raaga iyo mahad naq aan xad lahayn.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si waafiya uga war bixiyey safarro hawleed ay ku kala bixiyeen dhammaanba Gobollada iyo Degmooyinka si ay xog dhammaystiran iyo muuqaal cad uga helaan duruufaha iyo waayaha haysta Dhallinyarada. Xogtii iyo macluumaadkii laga soo ururiyey safarradaa waxay Dallada SONYO ka diyaarisay qoraal dhammaystiran oo wata talo bixin si wax looga qabto caqabadaha Dhallinyarada ka haysta xagga horumarka iyo fursadaha nololeed.

Ugu dambayntii, weftiga Dallada Dhallinyarada SONYO waxay Madaxweynaha u soo gudbiyeen qoddobo dhawr ah oo uu nuxurkoodu ahaa sida soo socota:

  1. Iyadoo la tixgalinayo baahiyaha iyo duruufa dhabta ah ee haysta dhallinyarada Somaliland, in dib loo eego kaalmada ku jirta Sanduuqa Horuminta Somaliland (SDF) ee loo qoondeeyay Shaqo-abuurka Dhallinyaradda.
  2. In dhallinyarada loo qoondeeyo (la siiyo) dhul ku haboon bar-kulanka dhallinyarada (Youth Multipurpose Resource Centers and Playgrounds)kuwaasoo ku yaala dhammaanba gobollada Dalka JSL isla markaana lagu wareejiyo Dallada SONYO si ay maal-gelin dhisme ugu raadiso.
  3. Ku-dhawaaqista iyo meel-marinta “Maalinta Dhallinyaradda Somaliland 5-taJuun” taasoo noqon doonta Maalin dhallinyaradda Jam. Somaliland ay gaar u leeyihiin, laguna wacyigaliyo sidii ay dalkooda u hanan lahaayeen.
  4. Meel-marinta Xeerka iyo Qaab-dhismeedka Sanduuqa Dhallinyarada Somaliland” kaasoo uu Madaxweynuhu hore ugu dhawaaqay, loona baahanyahay in haatan la dar-dargeliyo oo la hirgaliyo.
  5. Xoojinta iyo Joogteynta “Kulanka Isku-xidhka Arrimaha Dhallinyaradda” Youth Sector Coordination Forum” kaasoo ay Wasaaradda Dhallinyaraddu guddoomiso, Dallada SONYO-na kalkaaliso. In Madaxweynaha Somaliland furo shirka soo socda isla markaana uu amro xoojinta iyo joogteynta Shirkaas.

Ugu dambayntii Madaxweyne Siilaanyo oo si qoto dheer u dhegaysanayey masuuliyiinta Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu uga mahad naqay xog-warrankii ay siiyeen.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ummad walba horumarkeeda ay saldhig u tahay kolba siday isugu hawlaan, u daryeelaan ee ay ugu dedaalaan horumarinta da’yarta iyo dhallinyarada. Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Dallada Dhallinyarada SONYO isagoo ku booriyey in ay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo taageerada da’yarta iyo dhallinyarada maadaama ay iyagu yihiin mustaqbalkii iyo aayihii ummadda ee berrito.

bandhige@gmail.com