Sucuudiga: Qarax ayaa ka dhacay magaalada Qadiif ee shiicadu ku badan tahay

 

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku soo waramaya in qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Qadiif ee Shiicadu u badan yihiin.

Wakaaladda France Press ayaa iyaduna soo xigatay qof goob jooga oo dalbaday in aan la magac dhebin, oo sheegay in baabuurta gargaarka degdegga ahi goobtaa shilku ka dhacay buux dhaafiyeen. Waxaanu qofkaasi yidhi:

“Qarax aad u weyn buu ahaa”.

Dadka degan magaalada Qadiif ayaa iyaguna u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen dayaanka qarax weyn isla markaana ay arkayeen qiiq cirka isku shareeray oo ka kacay goobta qaraxu ka dhacay.

Wararka hordhaca ee la helayo ayaa sheegay in ay qaraxaas ku dhinteen laba qof.

Telefishan Sucuudiga laga leeyahay ayaa se sheegay in qaraxaasi ka dhashay baabuur walxaha qarxa lagu soo rakibay.

Baabuurta gaashaaman ee booliiska ayaa sida dadka goob joogga ahi sheegayaan haatan ku gadaaman goobta qaraxu ka dhacay.

bandhige@gmail.com