Sucuudigu wuxu shaqadii ka joojiyey shirkaddii dhismaha ee reer Bin Laden

Xukuumadda Sucuudiga ayaa go’aamisay in ay gabi ahaan shaqada ka joojiso shirkadda dhismaha ee ay leeyihiin qosyka caanka ah ee reer Bin Laden oo uu ka kadhashay hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusaama Bin Laden.

Go’aankani wuxu ka dambeeyey kadib markii wiish weyn oo ay shirkaddani lahayd uu ku soo dumay dad gudanayey waajibaadka xajka, halkaas oo ay ku naf waayeen in ka badan 100 qof.

Baadhitaannada hordhaca ahi waxa ay tibaaxayaan in shilkan uu sabab u ahaa shirkadda oo wiishkan adeegsigiisa aan u raacin sidii ay shirkaddii soo samaysay ugu talo gashay.

Qodobka labaad ee isna la ogaaday in sababay waa duufaano iyo dabaylo xoog leh oo habeenkaas Maka ku habsaday.

Xukuumadda Sucuudiga waxa ay tibaaxday in uu go’aankani ku-meel-gaadh yahay laakiin uu rasmi noqon doono haddii la ogaado in shirkadda Bin Laden ay khaldadka intiisa badan lahayd.

Shirkadda Bin Laden waxa ay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn uguna tayada sarreeya gobolka uu ku yaal Sucuudigu.

2006-dii ayaa ugu dambaysay xajka oo ay boqolaal qof ku dhintaan. Intaas wixii ka dambeeyey xukuumadda Sucuudigu waxa ay ka shaqaynaysay ballaadhinta Xajka iyo ka hortagga masiibooyinka ka dhici kara Xajka.

Tiro lagu qiyaaso 3 milyan oo qof ayaa sannad kasta waajibaadka xajka ku soo guta goobta barakaysan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com