Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta gelinkii dambe ku geeriyooday Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland ayaa u diray tacsi wuxuna suldaanka ku macneeyey suldaan taariikh facweyn ku lahaa bulshada kana baxay inta af-Soomaaliga ku hadasha oo dhan.
TACSI MADAXWEYNE: 12/02/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha
—
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl