Suuriya: Maraykanku waxa uu Ruushka ku eedeyay duqeyntii gargaarka

Saraakiil u hadlay dawlada Maraykanka ayaa waxa BBC-da u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay mas’uul ka yihin duqeymihii loo gestay kolonyo baabuur ah oo siday gargaar kuwaas oo Isniinti aynu soo dhafnay lagu duqeeyay guddaha waddanka Suuriya.

Masuuliyintan ayaa waxay sheegeen in labo kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay hawada kujireen waxyar uun kahor intii aan la duqeyn kolonyada gargaarka .

Waxay intaasi ku dareen in marka la eego qaabka loo fuliyay weerarkaasi, ay u muuqata in tahay mid aanay fulin ciidamada Suuriya.

Hasayeshe dawlada Ruuska oo ka hadashay arrinkani ayaa iska fogesay edeymaha loo soo jeediyay iyadoo sheegtay in diyaaradhooda dagaalka iyo kuwa Cidamada Dowlada Suuriyaba aysan ku lug laheyn duqeyntaasi.

Waxaa ayna duqeyntaasi ku eedeysay Dowladda Suuriya dagaalyahanada Mucaaradka ee la dagaalamaya Bashar – Al-asad.

Wasaarada gashaandhiga ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradahooda drons-ka ee aan duuliyaha lahayn ay ku daba jireen kolonyada, basle markii dambe la damiyay Kamerooyinkii ku rakibanaa diyaaradahaasi in aanu dhicin weerarkaasi.

Waxa uu na weerarakaasi dhacay saacado uun kadib markii Dawlada Suuriya ay ku dhawaaqday in xabad-joojintii socotay muddo tobobaad ah ay dhammaatay.

bandhige@gmail.com