Tababarka ku Saabsan Maaraynta Masiibooyinka Dabiiciga ah oo lagu Qabtay Gabiley

Gabiley (Dawan) Magaalada Gabiley ayaa laga daahfuray tababarka ku Saabsan Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah.

Daahfurka Tababarka waxaa kasoo qaybgalay Maamulka Degmada Gabileey, Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Musiiboyinka iyo qaybaha kale bulshada.

Duqa degmada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo daahfuray tababarkani ayaa ka warbixiyay mihiimada tababarani leeyahay.

Waxaanu yidhi.“Maanta maalin weyn ayay noo tahay waxaana lagu bilaabaya waax cusub oo ku soo kordhaysa 6 da waaxood ee dowladda hoose ee Gabiley ku soo biiraysa, waxaan aad ugu mahadcelinaya ururka dowladdaha hoose ee dalka, oo shaqo wanaagsan degmooyinka dalka ka haya.

Innagu inta badan marka ay wax innagu dhacaan ayaynu garanwaynaa meel aynu wax ka bilowno, balse inoo diyaar garoobo nolosha ayay ka mid tahay”

Masuuliyiinta ururka dowladdaha hoose ee dalka Algasal iyo hay’adda VNG ee mashruuca Danwadaag ayaa ka waramay ahmiyada tababarkani u leeyahay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Gabiley.

Waxaaney yidhaahdeen “Waxaynu halkan ku qaadan doona tababar ku saabsan maareynta masiibooyinka heer degmo, masiibooyinku way badan yihiin ee ILLAAHEY ha innaga hayo, abaaraha ka mid ah, duufaanada ka mid ah, xannuunada halista ah ayaa ka mid ah,”

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com