TACSI MADAXWEYNE: 24/01/2024 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE: 24/01/2024

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga Somaliland, qoyska iyo ehellada, ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hufan Xasan Ismaaciil oo ku geeriyootay saaka oo ay taariikhdu tahay 24/01/2024, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed oo ay marxuumaddu hooyadii ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Press and Media Department of the Presidency

Hargeisa – Republic of Somaliland

Wixii Faah-faahin Dheeraada Halkan Kala Soco

https://madaxtooyadajsl.com/

https://somalilandnation.com/

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

https://www.facebook.com/Madaxtooyadasl/

https://www.youtube.com/@warbaahintamadaxtooyadajsl2446/videos

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos

https://twitter.com/madaxtooyadajsl

Bandhige@gmail.com