TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Garaadada, isimada dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayย ย Alle ha u naxariisteeย  Marxuumย Sekeriye Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Caliย oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahaydย 19-11-2018, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa dhaqan-yaqaan, ka soo jeeday garaadada ugu faca-weyn Jamhuuriyadda Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii dalka iyo wada jirka iyo wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Garaadada, isimada dhaqanka,, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbigaย  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

ย ย Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.