Taliska Boolisku waxay ka hadleen xadhiga Ugaaska iyo labada weriye

Afhayeenku guud ee ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Jaamac ayaa ka haddlay xadhiga ugaas Cabdiraxmaan Diiriye , Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani iyo wariye Cali Jibriil Xasan, kuwaas oo ku xidhan xabsiyad magaalada Haregeysa.

Afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis oo la haddlayey Tv-ga Star Tv, ugu horayn ka haddlay xadhiga Ugaaska, isagoo beeniyey warar sheegayay in aan ugaaska maxakamad la horgayn, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Arrintaasi waa arrin waxba kama jiraan ah ninkaasi wuu xidhan yahay maxakaddana waa la horgeeyey, xeer illaalinta waa la horgeeyey kiiskiisana waa la qaadayaa, waxaan gacanta ku haysay xeer ilaalinta iyo maxakamadda, boolisku wax-ba ma-haysan karaan, boolisku marka uu xidhnaado 48 saacadood  waxay xaq u leeyihiin in ay Maxakamadda horgeeyaan oo ay xeer illaalinta gorgeeyaan, markaa boolisku qof ma haysan karro, wuxuu u xidhan yahay sharciga  Maxakamadda iyo xeer illaalintun dacwaddiis ayey haysaa, wixii ka soo baxana dib ayaa laga soo sheegi doonaa.”

Ugu dambayntii afhayeenka ciidanka booliska ayaa ka haddlay xadhiga siyaasi Muniir iyo wariye Cali Mahdi jibriil waxaanu yidhi:

“Waxa weeye nimankaa wariyayaasha  ahi denbi ayay galeen nin ayay dhaawac u geysteen hore ayaanu Tv-ga uga hadalnay, si wada jir ah ayey labadaa nin dhaawac u geysteen nin la yidhaah Jaamac Jiir kiiskoodii gacanta ayaa lagu hayaa Maxakamadda iyo xeer illaalinta ayuu yaalaa, wixii ka soo baxana dib ayaa laga soo sheegayaa.”

bandhige@gmail.com