Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta Laba Gaadhi oo Dab-demis ah ku wareejiyay maamulka dawlada hoose ee Berbera.
Gaadiidkan ayaa dayactir lagu soo sameeyay iyadoo haddana ay si toosa ugu hawlgali doonaan ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera.
Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada ayaa Taliyaha ka gudoomay gaadiidkaas. Gaadiidkan oo ay lahayd Magaalada Berbera ayaa muddo lagu soo dayactirayay Geerashka ciidanka Dabdemiska ee Hargeysa.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah