Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Ayaa Tababar U furay Xubno Kamid Ah Shaqaalaha Shirkada Telesom

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta tababar socon doona Saddex maalmood u furay xubno ka mida shaqaalaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa in shaqaalaha lagu tababaro inay wax badan ka fahmaan Cilmiga Dabka, Isla markaana awood u yeeshaan in hadii dab ay la kulmaan ay ku damin karaan damiyaasha yar yar.

Muddada tababarku socdo waxaa shaqaalahani si toosa ( Practical) ah u samayn doonaan tijaabooyin lagu daminayo Walxo gubanaya.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu tababar siinayay shaqaalaha kala duwan ee shirkadaha Ganacsi iyo bulshadaba, taasina waxay kor u qaadaysaa ka hortagga Dabka iyo wacyiga guud ee bulshada

Xafiiska Warbaahinta CDQ

Hargeysa/ Somaliland

Somalilandfire@gmail.com