Taliyaha Dabdamiska oo ka hadlay Dab ka kacay Mid ka mid ah meheradaha Suuqa

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa sheegay in ciidanka Dabdemisku ay ku guulaysteen bakhtiinta dab ka kacay mid ka mid ah bakhaarada ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Taliye Sawaaxili waxa uu xusay in ganacsatadu ay diideen inay cid ilaalisa u sameeyaan goobahooda ganacsi, waxaanu tilmaamay in ay inta badan qufulo waaweyn ku xidhan si aanu tuugu u jabsan, balse aanay ka fikirin dabka gudaha meherada ku jira halista ka dhalankarta.

Taliyaha ayaa dhammaan faray cidkasta oo leh meherad shaqaysa inay u sameyso cid seexata isla markaana ka war haysa meheradii si haddii masiibo haleesho loola wadaago ciidamada dabdamiska iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta wax ka qabashada howshaasi.

Waxaanu yidhi.“Bakhaarku wuu xidhna, kaliyana isaga ayuunbu ku ekaa dukaanadii, bakhaaradiiba dhinacyada way ka oodan yihiin xagga hore oo kaliya ayaa u bannaan, marka qiiqi iyo kulayaylkii meel uu ka baxa majirayaan, shan bakhaar hantidii qaadilahayd ayaa meel qudha la isugu keenaya, sababta dabka dhalisayna marka aanu dhammeyno baadhitaanka ayaanu bulshada la waddaagi doonaa.

Ganacsatadeenu intay xidhan meheradaha ayay iskaga tagaan, waar meheradihiina ka war haya ayaanu ugu taag weynay, marka waxaan ganacsatada ka codsanaya in meheradaha cid seexata ay u sameeyaan, tuugtaba waydinkan qufulada waa weyn kaga xidhaya ee tuuga dabkee idinku dhex jira kama war hayaan,”

Gaba-gabadii taliyuhu waxa uu faray bulshada in ay sii wada bakhtiiyaan laydhadhka marka ay ka tagayaan meheradaha si looga badbaado halista ka dhalata dabka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com