Tirada dhimashada dadkii ku dhintay dhul gariirkii Talyaaniga ayaa waxay gaadhay 247

Tirada dadkii ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay badhtamaha Talyaaniga ayaa waxay gaadhay 247 qof. Dhul gariirka ayaa burburiyey saddex magaalo oo kala ah Amatrice, Accumoli iyo Pescara del Tronto.

Kooxaha samata bixinta ayaa waxay wali wadaan raadinta dadka wali nool, waxaana mar hawshooda yara hakiyey dhul ruxan xoog leh, oo kaga gariiriyey dhismeyaal dhaawacyo qabay. Dhulkaas mashaqadu ka dhacday oo buuraley ah ayaa ku dhereran saddex gobol oo kala ah Umbria, Lazio iyo Marche.

Ubucda dhul gariirka ayaa ahayd meel u dhow Norcia oo 170 waqooyiga galbeed ka xigta magaalada caasimadda ee Roma. Teendhooyin ayaa la taagay si meelo ay galaan loogu sameeyo dadka hoy la’aantu ku dhacday.

bandhige@gmail.com