Tirada qaxoontiga adduunka oo gaadhay 60 milyan oo qof

Hay’adda qaxootiga adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in tirada dadka ku barakacay colaadda ay gaadhay heerkii ugu sareysay inta la ogyahay taariikhda.

Hay’addani oo soo saartay warbixin sannadla ah oo ay ku eegto tirada dadka colaadaha ku barakacay ayaa sheegtay in dhammaadkii sannadkii 2015-kii, 65.3 milyan oo qof ay barakeceen dunida oo dhan, iyadoo 113-kii qof ee dunida ku nool mid ka mid ah uu yahay qaxoonti, magan-gelyo doon ama qof ku barakacay gudaha dalkiisa.

Colaadaha iyo tacaddiyada sii kordhaya ayaa sannadkii hore dad badan ku khasbay in ay ka qaxaan guryahooda, arrintaasi oo sababtay in ay tirada qaxoontiga adduunka ee ay soo bandhigtay hay’adda Qaramada Midoobay ay koor uu dhafto 65 milyan oo qof.

Taradaasi ayaa noqoneysa mid shan milyan oo qof ka badan marka loo eego tiradii hay’addani ay shaacisay sannadkii hore, iyadoo waliba markii ugu horeysay caalamka qaxoontiga jooga uu kor u dhaafay 60 milyan oo qof.

Kala badh dadka qaxoontiga ahi aya waxa ay ka soo qaxeen dalalka Suuriya, Afghanistaan iyo Soomaaliya.

Dalka Jarmalka ayaa ah waddanka qaabilay qaxoontiga ugu badan ee adduunka, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegatay in taasi ay turjumeyso sida Jarmalku uu diyaar ugu yahay in uu aqbalo qaxoontiga ka soo tallaabaya badda Mediterraneanka.

Boqolkiiba 86 qaxootiga adduunka ayaa waxa ay ku nool yihiin waddamo uu dhaqaalahooda liito, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in dawladdahu ay tahay in ay muujiyaan isku duubnaan si loo wajaaho qulqulka muhaajiriinta ee soo badanaya.

bandhige@gmail.om