Sarkaalkii ugu horreeyey ee waraystay markii la qabtay Saddaam Xuseen 13-kii December 2003-dii wuxu ahaa John Nixon oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka ama hay’adda loo yaqaan CIA-da. Jariiradda caanka ah ee Daily Mail ayaa toddobaadkan waraysi ka qaaday John Nixon, wuxuna markii koowaad si xiiso leh uga warramay sidii ay maalintaas wax u dhaceen iyo wixii ay kala muteen isaga iyo Saddaam Xuseen. Waxa warbixinta idiin soo turjumay bahda Bandhige.
John Nixon wuxu yidhi:
Sideed toddobaad oo kali ah ayaan joogay Ciraaq markii la ii soo sheegay in askar Maraykan ah oo baadhaysay beer ku taalla magaalada uu ka soo jeeday Saddaam Xuseen ee Tikrit ay god ka soo saareen nin gadh weyn oo koodh madow xidhan waxaana loo badiyey in uu Saddaam Xuseen yahay.
Saddaam Xuseen wuxu sirdoonka Maraykanka ugu qornaa sumadda ah ‘High Value Target No 1’ oo macnaheedu yahay “Dambiilaha Ugu Qiimaha Sarreeya ee la Baadi Goobayo.”
Agaasimihii hay’adda CIA-da ee Maraykanka Buzzy Krongard iyo saraakiil ka tirsan xafiikiisa ayaa ii yeedhay, waxayna i weydiiyeen sidii aan u soo xaqiijin lahaa qofka godka laga soo saaray in uu yahay Saddaam Xuseen iyo in kale. Waxan u sheegay in Saddaam Xuseen uu gacantiisa midigta is-tun ku sameeyey oo wax kaga sawiran yihiin, lugta bidix ay mar rasaasi kaga dhacday, dabintiisa hoosena ay dhinac u yara janjeedho, calaamadahan oo aan qaarkood daraaseeyey kadib markii aan daawaday fiidyowyo laga soo duubay.
Waxa hadalkii iga soo dhex galay Agaasime Krongard, wuxuna igu yidhi “Waxanu kaa rabnaa in aad soo xaqiijiso in uu yahay Saddaam laftiisii oo aanu ahayn raggii loo ekaysiiyey ee uu ku raad-gadan jiray.
Waxan ogaa in ay tahay khuraafaad sirdoonka Maraykanku aaminsan yahay in ay jiraan rag Saddaam loo ekaysiiyey, waxanse go’aansaday in aan iska aamuso oo aan hawshayda guda-galo. Waxan ka bilaabay in aan isku duba-rido su’aalo uu Saddaam Xuseen oo kali ahi ka jawaabi karo.
Milatarigu waxay go’aansadeen in ay isla habeenimadiiba maxbuuska u soo wareejiyaan Maddaarka Baqdaad, waxaana la go’aamiyey in aan waraysiga koowaad isla goobtaas kaga qaado.
Saqdii dhexe ayaa lana saaray baabuur ay wadeen rag xidhan muraayadda habeenkii wax lagu arko, gaadhigii aanu saarnayn waxay ku kaxeeyeen 100 mayl saacaddiiba, dhulka aanu Maraynay wuxu ahaa mid ka caagan baabuurta, dhinacyada dariiqa waxa ku yaallay sakado guryo ah oo ay geli jireen ciidamadii Jamhuuriga ee ilaalada u ahaa Saddaam Xuseen. Waxaanu soconaba maddaarkii ayaanu gaadhnay. Haddana waxay noqotay in aanu cabbaar maddaarka gudihiisii ku sugno. Kadibna waxa na loo oggolaaday in aanu maxbuuskii la kulano.
Isla markii aan indhaha qac ku siiyeyba, waxa ii caddaatay in maxbuusku yahay nin leh haybad madaxeed. Wuxu ahaa nin dheer oo awran, dhererkiisu wuxu ka badnaa 1 mitir iyo 86 sentimitir. Wuxu ahaa nin jidhkiisu dhisan yahay oo toosan. In kastoo uu ogaa in qoorta loo dheerayn doono, haddana wax kalsooni-darro ahi kama muuqan, wuxu isku arkayey nin muhiim ah.
Markii koowaad ee aan la hadlay waxa noo kala af-celinayey turjumaan, waxaanan ku idhi:
“Waxan kuu hayaa su’aalo aan jecelahay in aan ku weydiiyo. Waxan kaa rabaa in aad sida runtu tahay uga jawaabto. Ma fahantay?
Saddaam Xuseen: Madaxa ayuu lulay.
Aniga: Goorma ayay ahayd markii kuugu dambaysay wiilashaada oo nool oo aad aragto?
Waan filayey in uu Saddaam noqonayo qof madax adag, laakiin waxa iga yaabiyey sida kibirka leh ee uu iigu jawaabay. Wuxu yidhi “Horta yaad tihiin? Ma sirdoon milatari ah ayaad tihiin? Ma sirdoon caadi ah ayaad tihiin? Ii jawaaba. Caddeeya cidda aad tihiin!
Waxan isha ku dhuftay gacantiisii tunayd ee “taatuugu” ku sawirnaa, waxan kaloon arkay dabintiisii dhinaca u qalloocday. Hadda waxan u baahanahay in aan arko dhaawicii uu lugta ka qabay si aan u xaqiiqsado in uu Saddaam Xuseen laftiisii yahay. Arrimo kale oo badan ayaan u baahanahay in aan ogaano. Sidee ayay ugu suurto gashay in uu ka soo baxsado Baqdaad? Yaa ka caawiyey? Nasiib-darro, su’aalaha wuxu ka jawaabayaa uun kuwa uu isagu doono.
Maxaad ii weydiin laadahay su’aalo siyaasadda la xidhiidha? Casharo badan ayaad iga baran kartaan” ayuu yidhi.
Wuxu si adag uga hadlay qaabkii loo bahdilay iyo sidii xumayd ee ay ula dhaqmeen askartii godka ka soo saartay. Waxay ahayd wax lala yaabo in uu ka cawdo god laga soo jiiday iyo dhawr xagtiimo oo la gaadhsiiyey. Wuxu ahaa nin aan u laba lugoodin in uu qudha ka jaro qof kasta oo dadkiisa ka mid ah oo uu doono. Surwaalkii ayuu lugta kor uga jiiday si uu ii tuso xagtiimaha la soo gaadhsiiyey, waxan ku arkay jeexitaan hore oo bogsaday. Waxan waydiiyey jeexitaankaasi in uu yahay rasaas beri hore ku dhacday, madaxa ayuu lulay si uu iigu xaqiijiyo. Waxay ahayd caddayntii ugu damabysay. Kadibna waxan idhi ‘Waanu qabanay ninkii aanu doonaynay.’
Saddaam Xuseen in la qabtay waxay ahayd war aad u wanaagsan. Hase ahaatee waxaa nooga sii muhiimsanayd in aanu wax ka ogaano arrimo la xidhiidha rajiimkiisa oo ahaa kuwii nagu kalifay in aanu Ciraaq ku soo duulno. Gaar ahaan waxaanu weydiinay halka ay yaallaan hubka kiimikada ah ee wax gummaada ‘weapons of mass destruction’. Jawaabtiisii waxay noqotay in uu naga riwaayadsado.
Wuxu yidhi Saddaam ‘Khaayinul-waddankii idin soo tusay godka aan ku jiraa maxay idiin tusi waayeen halka ay yaallaan hubka kiimikada ah ee wax gummaadaa. Jaahilnimada Maraykanka waan la yaabaa. Duullaanka dhan ee aad Ciraaq ku soo qaadeen ma waxaasuu ku dhisnaa?
Saddaam Xuseen wuu sii waday hadalkii ‘Ciraaq maaha waddan argagixso ah. Wax xidhiidh ah lama lihin Cusaama Bin Laadin, mana haysano hubka wax gummaada…wax halis ah oo aanu waddamada jaarkayaga ku haynayna ma jirin. Laakiin Madaxweynaha Maraykanka George W Bush ayuun baa iska yidhi Ciraaq waxay doonaysaa in ay soo weeraraan aabahay, waxayna haystaa hubka kiimikada ah ee wax gummaada.’
Jikaarkiisii annagoo is dhaafinayna ayaanu waydiinay ‘Waligaa ma ka fikirtay in aad hubka kiimikada ah ee wax gummaada ku isticmaasho ciidamada Maraykanka ee ku sugan Sucuudi Carabiya.
“Maya” ayuu yidhi Saddaam. “Waligayo xataa maanu falanqayn arrin caynkaas ah. Ma cid hub noocaas ah isticmaali karta ayaa jirta. Maxaa nagu kalifayaa in aanu hub noocaas ah dad ku isticmaalno annaga oo aan nalagu isticmaalin?”
Jawaabahani may ahayn kuwii aanu filaynay in aanu maqalno. Haddaba sidee ayay ku dhacday in Maraykanku uu khaladka intaas leeg galo?
Is-dhagaysiga aniga iyo Saddaam muu fiicnayn. Aniguna khaladka wax baan ku lahaa. Laakiin waxan markiiba is waydiiyey sababta ay ku dhacday in ay Maraykanku soo qaadaan weerarka iyadoo aan lahayn xog isku buuxda? Mise qofku annaga ayuu nagu ciyaarayaa si uu qabkiisii mar kale u muujiyo?
Waxan xasuusiyey hubkii kiimikada ahaa ee uu ku isticmaalay Kurdiyiintii degganayd magaalada Xalabja markii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq. Aad buu u cadhooday. Wuxuuna yidhi ‘Anigu idinkana idinkama baqayo madaxweynihiinana kama baqayo. Wax kasta oo aan dalkayga ku difaacayo waan samaynayey. Laakiin waxan kuu sheegayaa in aanan anigu ahayn qofkii amarkaa bixiyey.’
Waxaanu goosanay in aan waraysiga hakino. Saddaam Xuseen markii uu iga dhaqaaqayey indhaha ayuu si xun iigu gubay. Noloshayda dad badan oo hore ayaa sidan iiga soo cadhaysiiyey, laakiin waligay sida uu Saddaam oo maxbuus ahi ii quudhsaday cidina iima quudhsan.
Kuwa iga sarreeyaa waxay ku faraxsanaayeen in aan xaqiijinay in maxbuusku Saddaam Xuseen yahay, laakiin aniga waraysigii aan ka qaaday Saddaam wuxu igu furay walaac badan. Dareen hoose oo naftayda ah ayaa ii sheegayey in warbixinta uu Saddaam Xuseen i siiyey ay run tahay.
Arrimaha aan la yaabay waxa ka mid ah sannadihii badnaa ee aan shakhsiyadda Saddaam daraasaynayey marna shaki maan gelin in ninkii Saddaam soo koriyey ee hooyadii qabay uu si xun ula soo dhaqmay yaraantiisii markii ay degenaayeen Tikrit. Culimada cilmiga maskaxda takhasuska u leh ee loo yaqaan “psychiatrists” ee daraaseeyey Saddaam Xuseen iyagoo aan la kulmin waxay sheegeen in sababta uu Saddaam Xuseen bilaa arxanka u yahay ee uu u doonayo hub nukliyeer ah uu yahay dareen uu ka qaaday garaaciddii markii uu yaraa uu ku samayn jiran ninkii hooyadii qabay.
Laakiin markii aanu waraysanay Saddaam Xuseen wax kasta oo aan ka aaminsanyn khalad bay noqdeen. Wuxu noo sheegay in ninka hooyadii qabay uu ahaa ninkii ugu naxariista badnaa ee uu garanayo.
‘Ibraahim Xasan Ilaahow u naxariiso. Sir kasta oo uu hayo aniga ayuu igu aamini jiray. Aniga ayuu ka jeclaa xataa inankiisa Idham’ ayuu Saddaam yidhi.
Intii aan waraysanayey waxan u sheegay in sirdoonka Maraykanku ay aaminsan yihiin in uu dhabar-xanuun qabo, in uu iska daayey sigaarkii uu cabi jiray iyo hilibkii xoolaha ee uu cuni jiray. Wuxu yidhi ‘Anigu ma garanayo cidda waxaa idiinku warramaysay. Dhabar xanuuna ma qabo afar xabbo oo sigaar ah ayaan cabbaa maalin kasta, hilibka xoolahana la igama soo gaadho.
Hay’adda Sirdoonka ee CIA-du waxay Saddaam ku qeexeen beenaale joogto ah, laakiin markii aan la kulmay waxan arkay in uu yahay runsheeg daacad ah. Fikraddii kale ee aanu haysanay ee ahayd in uu gacan bir ah dalka ku hayey sax maaha. Markii aanu waraysanay waxaanu ogaanay in sannadihii ugu dambeeyey aanu wax badan kala socon wixii dalkiisa ka dhacayey, xataa waxaan ogaanay in aanu dejin qorshe uu isaga difaaco weerarkii duufaanka ahaa ee kaga soo socday dhinaca Maraykanka.
Markii aanu wax ka weydiinay weerarradii 11-kii September, Saddaam wuxu la soo booday ‘Waa ayo cidda weerarkaa qaadday… Sow Sucuudi Carabiya kamay iman…yuu ahaa Maxamed Caata… ma Ciraaqi buu ahaa? Waa maya. Masri buu ahaa. Ma garanayo sabab aad aniga iigu tuhmi kartaan in aan lug ku lahaa.
Saddaam wuxu aaminsanaa in weearkii 11-kii September uu isu soo dhawayn doono Ciraaq iyo Maraykanka oo uu Maraykanku u baahan doono in dawladdiisa cilmaaniga ahi ka caawiso sidii loola dagaalami lahaa argagixisada. Alle ilehe khalad weyn buu fahansanaa.
Intii aanu waraysiga ku jirnay dhawr qarax ayaa dhacay. Wuu ku farxay Saddaam wuxuuna yidhi ‘Maraykanku waddankan wuu ku guul-daraysan doonaa. Waligii Ciraaq ma maamuli kari doono.’ Taariikhdu way u markhaati furtay Saddaam. Marka aan hadda waraysigiisii dib u xasuusto waxan is weydiiyaa sababtii uu dareenkaa u qabay.
‘Ma garanaysaan luuqadda, taariikh iyo maskaxda Carabta’ ayuu yidhi Saddaam. Wuxu raaciyey “Way adag tahay in aad dadka Ciraaq barato adiga oo aan aqoon u lahayn taariikhdooda iyo cimilada dhulkooda. Faraqa inoo dhaxeeyaa waa sida habeenka iyo maalinta ama jiilaalka iyo xagaaga. Sababta loo yidhaa Ciraaqiyiintu way madax adag yihiin waa kulaylka badan ee xagaagii. Xagaagan soo socda idinka ayay idinku kici doonaan. Xagaagii 1958 kacaan baa halkan ka curtay. Xagaayadii lixdanaadkii kacaano ayaa curtay. U sheeg intaa madaxweyne Bush!’
Dhawr sanno ayay qaadatay intii aan xaqiiqadu waxay tahay u sharxi lahaa Madaxweynaha annaga fool-ka-fool isku hor fadhina. Markii aan madaxweynaha la kulmay waaba la deldelay Saddaam oo muu noolayn. Waxa la deldelay December 2006, toban sanno ka hor.
2007-dii ayaa la i faray in aan madaxweyne George W. Bush ku booqdo xafiiskiisa Oval Office si aan warbixin u siiyo. Madaxweynuhu wuxu i weydiiyey ‘Nin caynkee ah ayuu ahaa Saddaam?’
Waxan ugu jawaabay in uu ahaa nin aan hubaysnayn oo aftahan ah.
Waxan dareemay in madaxweynuhu ii soo eegay sidii ay dareen cadho wajigiisa soo galayso. Si dakhso ah ayaan faahfaahin dheeraad ah u bixiyey, waxanan idhi: ‘Saddaamkii dhabta ahaa ee aan soo arkay wuxu ahaa nin qab weyn, cadaawadi ka muuqato, dadkana ku dheeldheelaya’.
Kadibna waxa isu sanqaday isaga iyo Madaxweyne-Xigeen Dick Cheney, wuxuuna Bush igu yidhi “Miyaad hubtaa in aanu kuu sheegin halka uu dhigay suntii anthrax-ka? Kadibna dhammaantayo waanu qosolnay. Laakiin kaftankaa madaxweynaha umaan arkayn mid meesha qabta. Waayo, sabata beenta noqotay ay ku geeriyoodeen 4000 oo Maraykani ma geli karto kaftan.
Dhawr bilood kadib ayaa haddana madaxweynuhu iigu yeedhay Aqalka Cad. Markan madaxweynuhu wuu cadhaysnaa wuxuuna iga dalbaday in aan uga jawaabo sababta sheekha Shiicada ah ee Muqtada al-Sadar ee hoggaamiya ciidamahada Al-Mahdi uu dagaalka halista ah ee ku-dhufoo-ka-dhaqaaqda ah ugalaha hor yimid Maraykanka. Waxan ku yidhi ‘Su’aashaas qiimaheedu waa $64,000, markaasuu igu yidhi maxaad u odhan wayday 74,000 iyo wax kasta oo mushaharkaagu yahay…wuxu muxuu ahaa?
Buugga xusuus-qorka ah ee uu qoray Bush 2010-kii wuxu ku yidhi “Waxan go’aansaday hay’adda CIA-da ee waddaniyaddu ku dheer tahay ee shaqada badan in aanan ku dhalliilin khaladkii sirdoonka ee ay ka galeen Ciraaq. Laakiin dhinaca kale waraysi kasta oo uu bixiyey iyaga ayuu eed-reeb ka dhigtay. Khalad kasta oo uu sameeyey iyaga ayuu ku reebay wuxuna ku sifeeyey shaqadii ay CIA-du qabteen mid male-awaal ku salaysnayd.
Ujeeddadaydu maaha in aan Saddaam dambi-laawe ka dhigo. Wuxu ahaa kali-taliye bilaa arxan ah oo waddankiisii u hor seeday halaag iyo dhiig badan oo qubtay. Laakiin ma aaminsani in Saddaamkii meesha laga tuuray ee xilka laga qaaday ay u qalmayso khasaaraha Maraykanka gaadhay, geesiyaasha ragga iyo dumarka leh ee dagaalkaas ku naf waayey, kooxda ISIS ee meesha ka soo dhex baxday iyo dhaqaalaha gaadhaya 2.5 tiriliyan ee Doollar ee ku baxay dib-u-dhiska Ciraaq.
Dhammaad