Itoobiya waxay sii daynays ku dhowaad toban kun oo maxaabiis ah

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii daysay ku dhawaad 10 kun oo maxaabiis ah oo la qabtay intii lagu gudo jiray xaaladda dagdag ah ee la soo rogay bishii tobnaad ee sanadkan.

Ku-xigeenka afhayeenka dawladda Zadig Abraha ayaa arrintaas u xaqiijiyay BBC.

2,500 oo ruux oo kale ayaase lagu soo oogi doonaa dambiyo la xidhiidh daganaansho la’aan.

Xukuumaddu waxay sheegtay in kuwa la sii daynayo la siiyay tabobarro khaas ah si loo xaqiijiyo in aysan mardambe ugu dhaqmin “dabeecad burburin ah”

Dadka xidhan intooda badan waxay ka soo jeedaan gobolka Oromada iyo kan Amxaarada halkaas oo ay muddo bilooyin ah ka jireen mudaahaardyo lagu diidanaa takoor dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Xaaladda ayaa dagtay tan iyo markii uu dhaqan gashay xaaladda dagdaga ah.

Xigasho: BBC Soomaali

bandhige@gmail.com