Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinki danbe ee dorraad sheegay in uu dhaawac ka soo gaadhay dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania.
Trump waxay rasaastu kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania.
Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay.
Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn.
Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin.
Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama.
Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baadhitaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa.
War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.
โMadaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,โ ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yidhi bayaan uu soo saaray.
โWuu fiican yahay, waxaana lagu baadhayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.โ
Madaxweyne Joe Biden ayaa yidhi โqof walba waa inuu cambaareeyaaโ weerarka. โRabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,โ โWaa wax xun. โWaa wax xun.โ
Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C.
Hayโadda dambi baadhista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baadhitaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump.
Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baadhitaanka.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay olalaha Trump, xaaladda caafimaad ee madaxweynihi hore ayaa wanaagsan, waxaase ay dhacdadani imaneysaa xilli ay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn ay ka jirto Mareykanka, iyo sidoo kale waqti uu meel xasaasi ah marayo ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee lagu wado in ay dhacdo 5-ta bisha November ee sannadkaan.
Doorashadaas ayaa waxaa ku loollami doona, madaxweynaha xiligan Joe Biden oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo Jamhuuri ah.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com