Trump oo ku adkaystay hadalkiisii hore ee ahaa Muslimiintu neceb yihiin Maraykanka

Musharraxa ugu cadcad in uu ku soo baxo  tartanka isreeb-reebka jagada musharaxnimada Madaxweyne ee Jamhuuriga Donald Trump ayaa waxa uu difaacay hadal uu hore yidhi oo ka dhan ah Muslimiinta. Trump ayaa waxa uu muujiyey tan iyo intii uu tartanka isreeb-reebka Muslim neceyb badan.

Trump ayaa waxa uu ku adkaystay  hadalkiisii hore ee ahaa in Islaamka Maraykanka neceb yahay,  taasi oo uu kala kulmay musharaxiinta kale ee la tartamaya dhalleecey xoogan oo ay ugu dambaysay doodii xalay dhexmartay musharaxiinta ku loolamaya tartanka isreeb-reebka.

Rubio ayaa waxuu u sheegay Trump in Muslimiin badan ay ku faraxsan yihiin in ay Maraykan ahaadaan.

Senetorka laga soo doortay gobolka Texas, Ted Cruz, waxa uu sheegay in xalka xagjirnimada aysan ahayn in lagu sheego in Muslimiinta oo dhan ay xun yihiin.

Hase yeeshee, Trump ayaa sheegay in uu ku adkeysanayo hadalkiisa ka dhanka ah Muslimiinta.

Doodaasi waxay dhacday maalmo ka hor doorashada hordhaca ah ee gobolada Florida iyo Ohio.

Labadaasi gobol waxay ku xidhan guusha qofka musharaxa u noqonaya xisbiga Jamhuuriga.

bandhige@gmail.com