Trump oo sheegay in uu Ruushka ku Dhiiri Galin doono in uu Weeraro Xulafada Nato ee aan Bixin Qaadhaanka…

Donald Trump ayaa sheegay in uu “ku dhiirigelin doono” Ruushka in uu weerarro xubin kasta oo ka tirsan Nato oo bixin wayda biilasha ee qayb ka ah isbahaysiga milatariga reer galbeedka.

Isu soo bax Sabtidii, ayuu sheegay in uu mar u sheegay in aanu qadarin doonin hoggaamiye aan ilaalin inuu lacagaha bixiyo, oo uu weliba ku dhiirigelin doono kuwa gardarada inay sameeyaan wax kasta oo cadaab ah oo ay rabaan.

Xubnaha Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta oo ka tirsan ururka NATO hadii la soo weeraro.

Aqalka Cad ayaa faallooyinka ku tilmaamay “wax laga naxo oo aan waxba ka jirin”.

Isaga oo la hadlayay dad isugu soo baxay isu soo bax ka dhacay South Carolina ayuu Mr Trump sheegay waxa uu tusaale u soo qaatay hogaamiye dal weyn oo ka mid aha NATO ka hadlay Ruushka intii uu socday shir ay lahaayeen hogaamiyayaasha wadamada Nato.

Waxa uu sheegay in hogaamiyehaasi aanu bixin qaadhaankii ururka, laakiin uu dalbaday dhaqaale weyn si uu isaga daafaco weerar kaga yimaada Moscow.

Mr Trump waxa uu sheegay in hogaamiyuhu uu waydiiyay in Maraykanka inuu xaaladaas ku caawin doono dalkiisa, taas oo ku kaliftay in uu soo saaro jawaab canaan ah.

“Waxaan ku idhi: ‘Ma bixin qaadhaankii? Sidii carrurta ayaad u dhaqmaysaa?’… “Maya kuma ilaalin doono, dhab ahaantii waxaan ku dhiirigelin lahaa inay sameeyaan wax kasta oo ay rabaan. Markaas ayey bixin doonaan.”

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu “dhiirigelinayo duullaanka ay dowladaha gacan ku dhiiglayaasha ah ku soo qaadeen xulafadayada dhow”, wuxuuna ku tilmaamay faallooyinka “wax laga naxo oo aan laga fiirsan”.

Waxa uu intaa ku daray in hadalkaasi uu “khatar gelinayo amniga qaranka Maraykanka, xasiloonida caalamka iyo dhaqaalaheena gudaha”.

Mr Trump oo hadda ah ninka ugu cadcad in uu mar kale isu soo taago musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Maraykanka ee sanadkan ayaa waxa uu muddo dheer aad u dhaliilayay gaashaanbuurta Nato iyo waxa uu u arko culays dhaqaale oo xad dhaaf ah oo Maraykanku ku leeyahay dammaanad qaadka difaaca 30 wadan oo kale.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukraine sanadkii 2022-kii, kadib markii uu xafiiska ka tagay Mr Trump. Waxa uu tan iyo wakhtigaa uu ka xumaa lacagta Maraykanka ee loo diro Ukraine, oo aan xubin ka ahayn Nato.

Maraykanku waxa uu Ukraine siiyay taageero dhaqaale oo ka badan waddan kasta – oo dhan in ka badan $44bn (£34bn) tan iyo duullaankii 2022, sida laga soo xigtay tirooyinka Aqalka Cad laga soo bilaabo Disembar.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa tan iyo horraantii sanadkan xannibay dhammaan maalgelinta cusub ee Ukraine iyaga oo dalbanaya tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo socdaalka Maraykanka ee xudduuddiisa koonfureed, ka dibna ay diideen sharciga wax laga beddelay markii la soo bandhigay horraantii toddobaadkan.

Mr Trump ayaa u dabaaldegay diidmadaas intii lagu jiray isu soo baxa Sabtidii, isaga oo sheegay in soo jeedinta uu sameeyay madaxweyne Biden ay ahaayeen “musiibo”.

Labada arrimood ayaa hadda lagu guuleystay in la kala saaro, taas oo ka dhigan in mudanayaashu ay hadda awood u leeyihiin inay si gaar ah uga doodaan lacagta kaalmada ah .

 

 

Xigasho:wergeyska dawan

Bandhige@gmail.com