Trump wuxu aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka

 

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixinta ay soo saartay ha’yadaha sirdoonka Maraykanku in uu Ruushka u dhacay doorashada madaxweynenimada Maraykanka, sidaasna waxa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

“Waxaan u malaynayaa in uu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta ” ayuu madaxa shaqaala madaxtooyadda ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus, u sheegay Fox News.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay u dhicida emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton.

Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha dad lagu raadsanayo oo aysan lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii.

“Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah,” ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin ma uusan cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta.

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood guddaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe sida lagu joojin karo weerarka kombuutarada.

Aqbalaada Donald Trump ee weerarka Ruushku ku qaaday kombuutaradii doorashada Maraykanka ayaa waxa ka dhigan tahay in uu Donald Trump ka gaabsan doona xidhiidhka Ruushka iyo kan uu la sameeyey Madaxweynaha Ruushka.

Links-kan ka akhriso war-bixinta oo Af-Ingiriisi ku qoran:

Click to access ICA_2017_01.pdf

bandhige@gmail.com