Trump wuxu caddeeyey in uu Maraykanku ka baxay heshiiska la dagaalanka isbedelka cimilada dunida

 

Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada adduunka.

Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii.

Wuxu sheegay in uu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidan yahay waa mustaqbalka fiican.

Obama waxa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hoggaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.

bandhige@gmail.com