Trump wuxu kordhinayaa kharashka gaashaandhigga

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa doonaya in uu 10% kordhiyo kharashaadka ku baxa gaashaandhigga, isaga oo soo bandhigay hindisaha qorshihiisa miisaaniyadda sannadka 2018-ka.

Tallaabadani ayaa ah muuqaalka guud ee hindisaha miisaaniyadda madaxweyne Trump balse waxa ay si cad u muujinaysaa arrimaha uu muhiimadda uu siinayo iyo in ay ka go’an tahay in uu fuliyo ballan qaadyadiisii xilliigii uu ku jiray ololaha doorashada ee ahayd in uu xoojiyo milatariga dalkaasi.

Miisaaniyadda gaashaandhigga ayaa hoos u sii dhaceysay tan iyo sannadkii 2010-kii, waxa uuna hadda Trump doonayaa in uu arrintaa wax weyn ka badalo.

Miisaaniyaddaasi ayaa hadda lagu qiyaasaa 482 bilyan oo doolar, waxaana saraakiisha aqalka cad ay sheegayaan in madaxweyne Trump uu doonayo 43 bilyan oo doolar oo dheeraad ah, taas oo ka dhigan in boqolkiiba toban la kordhiyo miisaaniyadda.

Saraakiisha ayaa sheegaya in dhaqaalahan qayb ahaan laga heli doono dhimista kharashka mashaariicda deegaanka iyo deeqihii uu Maraykanka dibedda ku bixin jiray.

Balse aqalka kongareska ayaa leh go’aanka kama dambaysta, caadiyanna arrintan ayaa ah mid aad loogu gorgortamo koongareeska guddahiisa, haddana durbaba waxa loo diyaar garoobayaa dood aad u kulul.

In kabadan 120 askari oo hawl-gab ah ayaa waraaqo u diray xildhibaanada waxa ayna ugu baaqeen in dhaqaalo lagu bixiyo dublamaasiyadda iyo horumarka oo ay sheegeen in ay muhiim u yihiin in colaad laga baaqsado.

bandhige@gmail.com