Trump wuxu saxeexay amar cusub oo dhinaca socdaalka ah

 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxeexay amar fulineed cusub oo dadka kasoo jeeda lix dal ka mamnuucaya in ay soo galaan dalka Maraykanka muddo saddex toddobaad ah.

Amarkan ayaa sidoo kale waxa uu Maraykanka ka joojinayaa in ay yimaadaan dadka qaxoontiga ee caalamka oo idil muddo afar bilood ah.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii amarkii hore ee madaxweynaha oo dalka ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobada dal uu diiday xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington.

Amarka cusub ayaa waxaa laga reebay oo uusan saameeneyn dadka kasoo jeeda dalka Ciraq, waxaana lagu soo koobay dadka lixda dal ee kala ah Iran, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yemen.

Amarkan cusub ayaa waxaa sidoo kale uu kaga duwan yahay kii hore in uusan dhaqan galeyn durba, oo uu si buuxda u billaabanayo 16-ka bishan March.waxaanu saameyneyn dadka haysta sharciga degenaanshaha Maraykanka ee kasoo jeeda lixda dal ee la mamnuucay.

bandhige@gmail.com