Trump wuxu saxiixay amar ka dhan ah shaqaalaha ajaanibta ee ku sugan Maraykanka

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo barnaamijka dal ku galka ku meel gaadhka ee loo adeegsado in lagu shaqaaleysiiyo shaqaalaha ajaanibta ee ka shaqeeya Maraykanka.

Amarkan uu saxiixay Trump ayaa la doonayo in looga hortago in si khaldan loo adeegsado barnaamijka dal ku galka ee muddada dheer soo socday, waxaana uu madaxweynaha intaa ku daray in tallaabadani ay dhiirigelineyso in shacabka Maraykanka ay wax ka iibsadaan isla shirkadaha dalkaasi, ayna sidoo kale shaqaaleysiiyaan dadka Maraykanka.

Trump oo sharcigan ku dhex saxiixay xili uu ku sugnaa guddaha shirkada Wisconsin ayaa waxaa uu intaa ku daray in adeegsiga khaldan ee waaxda socdaalka ay sahashay in shaqaalaha Maraykanka lagu bedelo dad laga keenay dalal kale si ay u buuxiyaan isla shaqooyinkii ay hayeen oo lagu siiyo lacag yar.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dal ku galka marnaba aan loo isticmaalin in lagu bedelo shaqaalaha Maraykanka.

Amarkan oo looga gol lahaa in ahmiyada kowaad in la siiyo dadka Ameerikaanka ayaa waxa ay qeyb ka tahay ballamihii uu qaaday madaxweyne Trump xiligii ololaha doorashada ku jiray.

bandhige@gmail.com