Trump wuxu shaaciyey qorshahiisa cashuur dhimista

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay qorshihii cashuur dhimista oo noqonaya cashuur dhimistii ugu balaadhnayd ee soo marta taariikhda dalka Maraykanka.

Trump oo ka hadlayay gobolka Indiana ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu fududeeyo hannaanka cashuuraha si shaqooyin iyo maal badan looga helo guddaha Maraykanka.

Waxa uu sheegay in dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa shaqaalaha ahi ay ka faa’iideysan doonaan qorshahani balse aysan ku jirin kuwa dakhliga badan uu soo galo.

Sidoo kale Trump waxa uu sheegay in cashuur dhimis loo sameyn doono ganacsatada.

Madaxweyne Trump waxa uu intaasi ku daray in mar dambe aysan jiri doonin cashuurta laga qaado hantida uu qof ku helo dhaxalka iyo siyaabo kale oo cashuurta dadka looga qaadi jiray.

Trump ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxyaabihii uu ballan qaaday waxa ka mid ahaa in uu isbadal weyn ku sameeyo qaabka cashuuraha dalka.

Taageerayaashiisa ayaa sheegaya in isbadalkaasi uu xoojin doono koboca dhaqaalaha Maraykanka balse dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa waxay ku doodayaan in arrintan ay horseedi doonto in uu yaraado kharashaadkii ay dowladda ku shaqeyn jirtay.

bandhige@gmail.com