Trump wuxu shaqada ka eryay Agaasimihii FBI-da

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa xalay shaqada ka eryay James Comey, oo ahaa agaasimihii hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI loo soo gaabiyo. Waxa uu ku eedeyey in uusan awood u laheyn in uu hay’addaasi hoggaamiyo.

James Comey, ayaaa waxa uu baadhayay wararka la xidhiidha suurta-gal-nimada in Ruushku uu xidhiidh la yeeshay xubno ka mid ahaa ololahihii doorashada ee Trump.

Comey, oo afar sanno ka hor uu magacaabay Madaxweyne Obama, ayaa inta uu xafiiska joogay tallaabooyin qaar ee uu qaaday waxay ka ceydhisay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga intuba.

bandhige@gmail.com