Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ayaa qorsheenaya in uu soo saaro amar fulineed cusub oo lagu beddelayo mamnuucista socdaal ee la saaray toddobada dal oo dadkooda ay Muslimiin u badan yihiin.
Amarkii hore ee madaxweynaha ayaa waxaa diiday maxkamad federal oo ku taalla magaalada Seattle ee gobolka Washington, iyada oo dawladda sidoo kale ay ku guul darreysatay racfaan ay u qaadatay maxkamadda sagaalaad ee racfaanka.
“Soo saarista amarka cusub, waxa ay dhabbaha u xaadhi doontaa in madaxweynaha uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu dalka iyo nabad-galyadiisa u ilaaliyo” Waxaa sidaas tidhi Waaxda Cadaaladda Maraykanka.
Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ayaa madaxweyne Donald Trump, waxa uu ku sheegay in amarka cusub oo la saxiixi doono badhtamaha toddobaadka soo socda “uu si buuxda u ilaalin doono dalkeena”.
Amarkii hore ee madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu muudo 90 cisho ah in ay Maraykanka soo galaan ka mamnuucay dadka kasoo jeeda dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Eeraan, Liibiya, Suudaan, Yemen iyo Suuriya, waxaana uu sidoo kale joojiyey dhammaan qaxootigii iman lahaa Maraykanka muddo afar bilood ah.