Trump wuxu laabta u gaaracay difaaca wiilka uu soddoga u yahay

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa muujiyey taageerada uu u hayo wiilka uu Soddoga u yahay ee Kushner, tani oo la xidhiidhta wararka ku aadan uu isku dayay sammeynta khad isgaadhsiineed oo qarsoodi ah oo lala sammeeyo xukuumadda Ruushka.

Hadal qoraal ah oo loo gudbiyey jariirradda New York Times, ayaa Trump wuxuu ku ammaanay “shaqada fiican” ee uu hayo Kushner. Laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu toos u sheego eedeymaha ka dhanka ah ninka ay u dhaxdo gabadhiisa Ivanka Trump.

Waxaa la sheegay in Kushner uu wadahadal ka galay hannaan lagu sameynayo isgaadhsiin qarsoodi ah, wada-hadalkaasi oo uu la yeeshay danjiraha Ruushka u jooga Mareykanka bishii December.

Wargeysyada The New York Times iyo Washington Post ayaa sheegay in uu doonayey in uu isticmaalo adeega isgaarsiineed ee Ruushka si uu uga gambado in Maraykanku dhagaystaan wadahadalladda Moscow, waxaana la sheegay in uu arrimahan sameeyeey ka hor intii aan la dooran Trump, xilliaasi uu ahaa shakhsi caadi ah.

Eedeymaha ayaa soo baxay ka gadaal markii Mr Kushner uu sheegay in uu ku jiro baadhitaan ay wado FBI-da oo ku saabsan in Ruushka uu faragaliyey doorashadii Mareykanka ee 2016.

Wararka ka imaanaya Maraykanka ayaa sheegaya in baadhayaashu ay rumaysan yihiin in uu hayo macluumaad arrimahan la xidhiidha, laakiin ma aha qaar run ka dhigaya dambiga looga shakisan yahay in uu galay.

Trump oo sheegay in uu kula kulmay Aqalka Cad Qareenadda maalimadii Axadda, kammana waaban taageeradiisa Kushner, kaasi oo haya xilka la taliyaha sare ee Aqalka Cad. War qoraal ah oo ka soo baxay Trum ayaa waxa uu yidhi:

“Jared wuxuu u hayaa shaqo wanaagsan wadanka. Waxaan ku qabaa kalsooni buuxda isaga,”

Waxa kale oo intaa ku daray:

“Qof kasta ayaa tixigalin wayn u haya, waxaana uu ka shaqeynayaa barnaajijyo wadankeenna u baajina balaayiin doolar, taasi waxaa sii dheer oo dabcan muhiimad balaaran sii leh in uu yahay qof aad u fiican.”

Hadalka Trump ayaa yimid ka dib markii saraakiil sar sare oo maamulka ka tirsan ay hoos u dhigeen eedeymahaas iyagoo ka gaabsaday in ay sheegaan in ay run yihiin ama been yihiin.

Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka John Kelly ayaa u sheegay Telefishinka ABC News maalinimadii Axadda in ay tahay wax iska caadi ah isla markaana la aqbali karo, sidoo kalena la diyaarin karo xidhiidh isgaadhsiineed oo qarsoodi ah oo lala sameeyo quwadaha shisheeye.

bandhige@gmail.com