Baar ku yaalla Tunisiya ayaa albaabada loo laabay ka dib markii la arkay muuqaal muujinaya eedaanka oo lagu daray dad qoob ka ciyaar dheelaya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taaalla waqooyiga bari ee dalka Tunuusiya ayaa la soo bandhigay Axaddii, dad badan oo ka cdhooday arrintaas ayaana dareenkooda ku soo gudbiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan.
Gafarnatooraha Nabeul, Mnaouar Ouertani ayaa sheegay in baarku uu sii xidhnaan doono ilaa iyo amar dambe ka soo baxayo.
Baadhitaan arrintaas la xidhiidha ayaa la billabaay
Muuqaalka la helay ayaa muujinaya dad baar jooga oo qoob ka ciyaar dheelaya, kuwaas oo ay muusik u daarayaan labo ruux oo reer galbeed ah, halkaas oo u dhaw goobta loo tamashle tago ee Hammamet oo xeebta agteeda ah.
Muusikada ayaa lagu daray eedaanka salaadda.
Ouertani ayaa sheegay in markii ay dhacdadaas xaqiijiyeen ay go’aansadeen in ay albaabada u laabaan baarka.
Wuxuu intaas ku daray in ay xabsiga la dhigay maamulihii baarka wuxuuna sheegay in baadhitaanno ay socdaan.
Qoladii soo abaabushay ayaa raaligalin soo galiyay face book, laakiin waxay sheegeen in aysan qaadaynin masuuliyadda daaridda muusiggii dhib keenaya.
Qofkii daaray ayaa raaligalin bixiyay wuxuuna sheegay in uusan marnaba uga gol lahayn in uu qof ku xumeeyo.