Turkiga: 11 qof oo ku dhintay qarax lala beegsaay Bas ciidamda boolisku leeyihiin

Gaadhi bas ah oo ay leeyihiin ciimada boolisku Turkigu oo maraayey badhtamaha magaalada Istanbul ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 11 ruux.

Qaraxa oo meel kale laga hagayay ayaa la sheegay in lagu rakibay baska intii uu marayay deegaanka Vezneciler ee mashquulka badan, intii lagu jiray mashquulka subaxii hore ee saaka.

Illaa iyo hadda ma jiraan cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas,

Rabshadaha ka dhaca dalka Turkiga ayaa wakhtiyadan dambe sii badanaya arrintaas oo salka ku hayaysa dareenka ay qabaan Kurdiyiinta gooni goosadka raba iyo dagaalka ka jira dalka ay dariska yihiin ee Suuriya.

Qaraxu wuxuu ka dhacay agagaarka fagaaraha Beyazit oo ah mid taariikhi ah, halkaas oo dalxiiseyaal badan soo jiidata.

Ugu yaraan 36 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Istanbul.

Sawirada laga helay waxay muujinayaan burburka baska iyo guryihii ka ag dhawaa oo burbur soo gaadhay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rasaas laga maqlay agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay.

bandhige@gmail.com