Turkiga oo ku dedaalaya sidii loo dejin lahaa xamaasadda u dhaxaysa Ruushka ee ka dhalatay diyaaraddii la soo riday

Ra’iisal-Wasaaraha Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sheegay in Turkigu rabo in uu kala shaqeeyo Ruushka sidii loo dejin lahaa xamaasadda ka dhalatay diyaaraddii Ruushka ee Turkigu soo riday.

Axmed Davutoglu wuxu sheegay in muhiimadda koowaad ay tahay sidii loola dagaalami lahaa kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ah, laakiin dhinaca kale ay lagama maarmaan tahay in xukuumad kastaa ay difaacato dhulkeeda.

Turkigu wuxu sheegay in mid ka mid ah diyaaradihiisa loo yaqaan F-16 ay soo riday diyaarad kuwa bambaanooyinka xambaara ee Ruushku leeyahay ah kadib markii ay hawada Turkiga ku soo xad-gudubtay.

Diyaaraddu waxa ay ku qaraxday meel xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Ruushka ah laakiin xigta dhinaca Suuriya.

Labadii baylood ee waday waxay goosteen baarashuud, mid ka mid ah waa la dilay kii kalese waxa badbaadiyey ciidamada Suuriya iyo ciidmao si gaar ah u tabobaran oo Ruushka u jooga saldhig uu ku leeyahay meel goobtaas ka dhaw.

Khilaafka u dhaxeeya Ruushka iyo Turkigu cirka ayuu isku shareeyey markii diyaaradda la soo riday, iyadoo uu Ruushku ku hanjabay in Turkigu mutaysan doono cawaaqibka ficilka uu ku kacay.