Turkiga wuxu ka digey go’aanka uu Maraykanku u rarayo safaaradiisa Qudus

 

Turkiga ayaa sheegaya in go’aanka Maraykanka uu safaarad cusub kaga furanayo magaalada Qudus ay micneheedu tahay in Washington ay ku tala gashay in ay wax yeeleyso nabadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid walwal iyo carqalad ku abuuray heshiisyada u yaalla Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa jimcihii shaaca ka qaadday in ay fureyso safaaraddan muranka badan dhalisay, waxayna sidoo kale wasaaraddu sheegtay in furitaanka safaaradda ay ku soo beegeeyso toddobaatan guuradii ka soo wareegatay xilligii la aasaasay dalka Israa’iil.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay Turkiga ayaa marti galiyay shir ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dal halkaas oo ay hoggaamiyeyaasha Islaamka ay ku cambaareeyeen go’aanka Washington ay ugu aqoonsatay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

bandhige@gmail.com