Turkiga wuxu xayiraad kusoo rogay barta Wikipedia

 

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xayiraad dalka oo dhan ah ku soo rogey barta internetka ee Wikipedia oo ah mid ka mid ah website-yada ugu caansan dunida.

Ma cadda sababta xayiraadda loogu soo rogay bartaasi.

Kooxda loo yaqaan Turkey Blocks ayaa sheegtay in isticmaalka bartaasi lagu joojiyay amar ka soo baxay mas’uuliyiinta Turkiga.

Dadka ku nool magaalada Istanbul ayaanay u suuragelin in ay daalacdaan bogga Wikipedia haddii aanay isticmaalin barnaamijka loo yaqaan Virtual Private Network (VPN).

Sida laga soo xigtay Hay’adda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Tiknolojiyadda ee Turkiga ayaa waxay u dhignayd sida tan:

“Kaddib falanqeyn iyo tixgelin dhanka sharciga ah oo ku salka ku haysa qodobka Nr. 5651, ayaa waxaa tallaabo laga qaaday bartan internetka ah.”

Kooxda Turkey Blocks iyo warbaahinta Turkiga oo uu ka mid yahay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet Daily News, ayaa sheegay in amarkan ku meelgaadhka ah uu maalmaha soo socdo u baahan yahay in lagu xoojiyo xukun maxkamadeed oo dhameystiran.

Markii amarka xayiraadda uu soo baxay ayaa waxa buuq laga dareemay baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho, iyadoo qaar ka mid ah dadka barahaasi isticmaalana ay isla dhexmarayeen in ay suuragal tahay in arrintan la doonayo in lagu cabudhiyo dhaleecaynta ku daabacan bogga Wikipedia uu uga hadlo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa horay si ku meeldhaar ah u xayiray baraha bulshada ay kuwada xidhiidho ee caanka ah ee ay ka midka yihiin Facebook iyo Twitter, gaar ahaan markii ay jiraan dibadbaxyo waa weyn ama weerraro argagixiso.

Dawladda ayaa horay u diidday in ay faafreebto internetka, waxa ayna eedda kala go’a isticmaalka internetka dusha uga tuurtay koronto la’aan kaddib dhacdooyinka waa weyn.

bandhige@gmail.com