Turkigu waxa uu shaqada ka joojiyey 13 kun oo askari

Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka joojisay 13 kun oo boolis oo lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka, Fetxullah Gulen.

In kabadan 2500 oo ka mid ah askartaasi waa taliyayaal, sida dawladdu sheegtay.

Fetxullah Gulen wuu beeniyay eedaha dawladda ee ah in taageerayaashiisa ay abaabuleen afgembigii fashilmay bishii July ee sannadkan.

Tobannaan kun oo qof ayaa shaqada dawladda laga joojiyay ama laga ceydhiyey tan iyo markii uu isku deyga afgembiga dhacay.

Sidoo kale, in ka badan 30 kun oo qof ayaa la xidhay tan iyo markii uu dhacay afgembiga dhicisoobay.

Xukuumadda Erdogan ayaa waxay bilowday tan iyo markii uu dhacay afgembigii fashilmay in ay shaqo ka caydhin, xadhig iyo cago juglayn ku samayso cid kasta oo ay ku tuhunsan tahay in ay xidhiidh la lahaayeen afgembigaas.

bandhige@gmail.com