Ugaandha 55 qof ayaa waxay dhinteen dagaal dhexmaray booliska iyo koox doonaysay in ay samaysto dawlad

Booliska Ugaandha ayaa sheegaya in 55 ruux ay sabtigii ku dhinteen dagaal ay la galeen koox isku dayeysa inay sameysato jamhuuriyad u gaar ah. Inta badan xasillooni darrada ayaa ka dhacday xafiisyada boqor deegaankaa oo la xidhay sida uu sheegay Afhayeenka booliska Ugaandha.

Ciidamada Ammaanka Ugaandha ayaa la geeyay magaalada Kasese ee galbeedka dalka si ay uga hortagaan koox hubeysan oo dadka deegaanka ay ugu yeeraan Kirumira Mutima.

Afhayeen u hadlay booliska Andrew Felix Kaweesi, ayaa sheegay in dagaalyahannada ay ahaayeen kuwa aad u tababaran oo qaabeysan, lamana oga inta ay leeg tahay tiradooda. Wuxuu kale oo uu sheegay afhayeenka in qaar ka mid ah kooxda hubeysan ay isku qarinayaan qasriga Omusinga Charles Mumbere oo ah boqor deegaanka.

14 booliska ka tirsan iyo 41 loo maleynayo kuwa weerarka soo qaaday ayaa dagaalka ku dhintay oo dhacay shalay.

Xiisad ayaa ka dhextaagneyd dawladda iyo boqortooyo yar, halkaasi oo dadka ay u arkaan in laga tagay.

Boqorka ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda taageerayo, kuwaasi oo doonaya in ay ka dhistaan maamul cusub xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Boqorka oo eedahaasi beeniyay ayaa la xidhay.

bandhige@gmail.com