Ugu yaraan lix qof oo ku dhintay weerar ka dhacay London

 

Booliska magaalada London ayaa waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in lix qof ay ku dhinteen in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso.

Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

Rabshada ayaa billaabatay kadib markii gaadhi la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.

Mid ka mid ah gobjoogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan islamarkana ordaya meel u dhaw buundadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi toorey la dhaceen.

Daqiiqado kadib waxa goobta gaadhay booliska, waxaana la maqlay rasaas.

Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa canbaareeyaya dhacdooyinkan, waxa uuna ku tilmaamay kuwa fulaynimo ah.

Sadiq Khan ayaa intaa ku daray in uusan jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.

Raysal-wasaare Theresa May, ayaa lagu wadaa in goor danbe oo maanta ah ay shir guddoominayso kulan ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha laamaha ammaanka ee dalkaasi.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Ingiriiska kadib waxa uu ku tilmaamay musiibadan ugu danbaysay.

Madaxwayne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kastaa oo karaankooda ah si ay u caawiyaan Ingiriiska.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad kadib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Machester ay ku dhinteen 22 qof.

bandhige@gmail.com