Ujeedada Wefti Ka Socday Ururka IGAD iyo Aragtidooda Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland

Wefti ka socda Urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee Ururkaasi Maxbuub Macalin, ayaa Somaliland u yimid Qaadhaan Ururin ku aadan Deeq waxbarasho oo laga wado Dugsiga Xannaanada Xoolaha Sheekh ee Ururka IGAD haatan gacanta ku hayo.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka Somaliland oo uu tilmaamay in arrimaha muhiimka ah ee Somaliland hore u soo qabatay ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii kala dambeeyay.

Ugu horayn Xoghayaha IGAD oo ka hadlaya Ujeedka socdaalkooda ayaa yidhi “Xarunta IGAD ee jabuuti iyo Xafiisyada kale ee Ururka, waxa kale oo nala socda Nin ka socda Xafiiska Nairobi oo Madax ka ah Iskuulka Xannaanada Xoolaha ee Sheekh, waxaanu Is-tusnay in dadka leh Iskuulka oo dalalka Gobolka ah inaanu ku wacyi galino sidaanu u samayn lahayn Maalgalin deeq waxbarasho oo hawsha lagu wado oo Caruurta aan iska bixin Karin lagu kabo. Waxaanu furnay Ururinta tabaruca oo aanu filayno in Dadka Somaliland ka qayb qaadan doonaan, dalal kalena waanu tagaynaa si maalgalintaasi u noqoto mid korodha” ayuu yidhi Maxbuub Macalin.

Xoghayaha Guud ee IGAD, ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidooda dib u dhaca doorashooyinka Somaliland waxaanu yidhi “Doorashadu dawladda iyo dadka Somaliland ayay ku xidhan tahay. Xaqiiqdii hawlaha waaweyn ee Somaliland samaysay ee loogu arko dal wanaag badan oo muuqaalkoodu aad u fiican yahay waxaa ugu horeeyay doorashooyinkii faraha badnaa ee hore u dhacay. Somaliland doorashada gobol ahaan iyo caalamiba waa lagu xushmeeyaa doorashada, markaa haddii kuwani dib u dhacaan waxay ku xidhan tahay dadka Somaliland iyo dawladdooda”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo fiican ka qabo in wada hadaladii Somaliland iyo Somalial dib u furmayaan, islamarkaana hakad kii ku yimid aanu ahayn burbur wada hadalada ku yimid balse uu yahay in labada dhinacba dib isku soo habaynayaan.