Ururka Barwaaqo oo Maalintiisi 2-aad Cududiisa ku Muujiyay Fagaarayaasha Dalka

Qore Khadar M .Xaashi

Borama (Dawan) Ololaha doorashooyinka Somaliland oo galay maalintii 11-aad ayaa, ololaha doorashooyinka waxa shalay ahayd maalintiisi labaad urur siyaasadeedka Barwaaqo, kaas oo ku dabaaldegay guud ahaan fagaarayaasha kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Mudane Cali Xuseen Beegsi, ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ururka Barwaaqo ay ka dhigaan xisbi, waxaanu xusay in reer Awdal hankoodu dhaafay darajada madaxweyne ku xigeen isla markaana ay rabaan in jagada madaxweynenimo ay mar uun qabtaan.

Taageerayaasha kala duwan ee ururka Barwaaqo ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka waxa uu ugu baaqay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay u istaagaan sidii urur siyaaseedka Barwaaqo uga dhigilahaayeen xisbi, si bulshada reer Awdal ay uga baxaan ku tiirsanaanta asxaabta kale.

Waxaanu yidhi.โ€œHaddii Dimuquraadiyadu shaqayn weydo markeygaan kursiga fadhiisanaya ayaa la odhanaya, wareegto ayaa la isku xukumi doona haddii ALLE yidhaahdo, waanu idinka mahadcelinayna sida aad noo taageerteen ee dareenkiina aad noogu muujiseen, oo ah in aad dalka la dooneysaan inuu barwaaqoobo, taasi oo ku iman doonta doorasho xor iyo xalaal ah, ahna in isbeddel ku yimaado ururadiisa iyo xisbiyadiisaโ€

โ€œReer Awdal in ay helaan xisbi ka mid ah xisbiyada Qaranka waana ururka Barwaaqo inu noqdo xisbi Qaran.

Kursiga ku xigeenka la yidhaahdo waanu naqaana waxa uu gooyo, ku xigeen danbe ma qaadi karno, beelaha kale ayaanu ku wareejinayna doorkan ku xigeenka, anagu ka kowaad ayaanu doonaynaa sidaasi weeyaanโ€

Gaba-gabadii madaxdii iyo masuuliyiinta urur siyaasadeedka Barwaaqo ee taageerayaashooda ka hadlay fagaarayaasha gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa faray inay kaadhadhkooda codbixinta soo dhaweystaan oo ay doortaan ururka Barwaaqo kana dhigaan xisbi.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com