Ururka Daalibaan oo weerar ku qaaday xabsi ku yaal Afqaanistaan

Weerar ay ururka Daalibaan ku qaadeen xabsi ku yaala magaalada Ghazni ee dalka Afqaanistaan ayey ku dileen ugu yaraan 4 boolis, sidoo kalena waxay xabsigaas ka sii daayeen 350 maxaabiis ah.

Maxamed Cali Axmadi oo ku-xigeenka badhasaabka Gobolka Ghazni ayaa sheegay dadka weerarka fuliey ay xidhnaayeen dirayska milatariga Afqaanistaan oo waliba aad diyaar garaysnaayeen.

Kooxda weerarka soo qaaday intaanay gelin gudaha xabsiga waxa albaabka hore isku qarxiyey mid ka mid ah ragii weerarka fuliyey, ka dib waxay bilaabeen in ay sii daayaan maxaabiistii ku xidhnayda jeelka.

Kooxda Daalibaan qiratay in ka danbeeyeen weerarkaas. Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujaahid.

Badhasaab ku-xigeen iyo afhayeenka kooxda Daalibaan ayaa xaqiijiyey in saddex ka mid raggii weerarka soo qaaday la dilay.

Dhinaca kale Badhasaab ku-xigeenka ayaa sheegay in 7 askari oo boolis ahi ku dhawaacmeen weerarkaas.

bandhige@gmail.com