Ururka Dalsoor waxay Komishanka Doorashooyinka ugu baaqeen in ay dib u dhigaan wakhtiga Doorashada, haddii aanay xakamayn karayn Axsaabta Qaranka

 

Ururka Waddaniga ah ee Dalsoor, oo ah urur ka shaqeeya arrimaha danta guud iyo waddaniyada ayaa shir jaraa’id ku Maanta Magaalada Hargeysa, kaasoo uu baaq ugu diray komishanka doorashooyinka qaranku.

Ururku wuxuu sheegay in baaqani uu ka dhashay ka dib markii ay arkeen in olole ballaadhan ay labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ay ka sameeyeen gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaasoo uu hore uga digay komishanka doorashooyinka Qaranku, balse aanay axsaabtu u hogaansamin.

Ururku wuxuu caddeeyay in u hogaansan la’aanta ay axsaabta qaranku u hogaansami waayeen go’aamadii komishanka doorashooyinka qaranka ay dareen cabsi leh ku abuurayso shacabka Somaliland, oo ay muujinayso inay axsaabtu ka awood badan yihiin komishanka oo ay ka sarreeyaan sharciga, taasina ay tilmaan u noqonayso in aanuu komishanku awood u yeelan doonin inuu kala saaro axsaabta siyaasada ka dib marka ay doorashadu dhamaato.

Ururku wuxuu xusay in Shacabka Somaliland uu doorashooyinka ka filanaayo inay horumariso qaab nololeedkiisa isla markaan ay ka saarto duruufaha qalafsan ee wakhtigan soo waajahay shacabka, haddii ay tahay abaaraha, sicir bararka iyo shaqo la’aanta baahsan, laakiin shacabku diyaar uma aha in doorashadani ay waxyeelo soo gaadhsiiso amnigiisa iyo wada jirkiisa.

Ururku Wuxuu ugu baaqay komishanka Doorashooyinka inay doorashada dib u dhigaan haddii ay dareemaan in aanay xakamayn karayn saddexda xisbi qaran oo aanay ku soo dabaali karin hanaanka sharci.

bandhige@gmail.com