Urur-goboleedka IGAD waxa shir uga furmay Jabuuti, kaasi oo lagaga hadlay kalluumaysiga sharci darrada ah

 

Magaaladda Jabuuti waxa ka Furmay Kulan hawleed soconaya saddex cisho oo ay soo qabanqaabiyeen Urur Goboleedka IGAD.

Kulankan waxa lagu lafo gurayaa sidii wadamadda ururkan ku jira isaga kaashan lahaayeen ka hortagidda kalluumeysiga sharci daradda ah Iyo Illaalinta kheyraadka Baddaha Somaliland.

Shirkan waxa uga qeybgalay Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka badda oo ay matalayeen Agaasimaha Guud Dr. Fu’aad Cabdisalan Xaaji Xasan Aden Iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Pro. Sam Omar Ghedi, Ciidanka Badda Somaliland oo uu matalayey hoggaanka Zaadka ee Ciidanka Badda, Cap. Khadar Mohamed.

bandhige@gmail.com