Ururka Midawga Suxufiyiinta Iyo Sharci-yaqaanada Afrika Oo Taageeray Heshiiskii Is Af-garad Ee Somaliland Iyo Ethiopia Dhex Maray.

Ururka Midawga Suxufiyiinta iyo Sharciy-yaqaanada Afrika ee loo soo gaabiyo ANA ayaa ugu baaqay waddamada ku midaysan ururka Midawga Afrika in ay aqoonsadaan Somaliland,madaama oo ay hore xoriyadeeda uga qaadatay dalka Ingiriiska,midawgii ay shacabkeedu ku khasaareen ee ay la gashay Soomaaliya-na ay dib xoriyadeedii ugala soo noqotay 1991-kii.

Qoraal uu ururku soo saaray oo uu ku saxeexna xoghayaha guud ee ururka ANA Bekki Benameur oo nuqul kamid ahi soo gaadhey wakaallada wararka ee SOLNA ayaa lagu sheegay in ururka Midawga Afrika uu u taagan yahay rabitaanka dadka Afrika,isaga oo hore u maamulay rabitaanka qaar kamid ah dadkaas,gaar Ahaana dhinaca madaxbannaanida,waxa aannu tusaale u soo qaatay shacabka reer Eritrea iyo Koonfurta Suudaan oo uu sheegay in loo ogolaaday rabitaankoodii madaxbanaaniyeed,iyada oo shacabka labada dal laga aqbalay in ay helaan laba dal oo madaxbanaan,si shuruud la ‘aan ah.

Labada dal iyo shacabka ku nool ayaa lagu sheegay qoraalkan uu soo saaray ururka Midawga Suxufiyiinta iyo sharci-yaqaanada Afrika ee ANA in ay Midawga Afrika ku soo kordhiyeen muhiimad weyn,iyaga oo door weyn ka qaatay shaqada ururka Midawga Afrika.

Midawga Afrika ayay sheegeen in aanu weli istiraatijiyad muhiim ah ka qaadan arrimaha Geeska Afrika,gaar Ahaanna arrimaha Somaliland oo ay sheegeen in ay la yaab tahay in Midawga Afrika ka aamuso.

Doonitaanka madaxbanaaniyeed ee shacabka Somaliland ayay sheegeen in aanay ahayn mid cusub,iyaga oo cadeeyay in 1991 ay dawladda Somaliland iyo shacabkeedu ay qirteen doonitaankooda sharciyeed.

Qoraalkan ay soo saareen saxafiyiinta iyo sharciyaqaanada Afrika ayaa sida oo kale lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 1991-kii ay shacabka Somaliland ku naaloonayeen dastuur u gaar ah,dhul xuduudihiisa leh iyo caalamka oo ay la macaamilayeen.

Qoddobka inta badan Midawga Afrika ay waddamada qaar kula wareegaan ee ah in ay Somaliland goosanayso ayay ku sheegeen in uu yahay mid dan gaar ah laga lee yahay,waxa aanay u soo jeediyeen Midawga Afrika in ay baadhitaan ku sameeyaan taariikhda iyo xaqiiqda Somaliland,si loo xaliyo dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika,nabadgelyada iyo xasiloonida Afrika iyo ta gobolkana looga dhigo mid sugan.

Heshiikii is fahan ee dhex maray dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia ayaa ku tilmaameen mid nabadgleyo,xasillooni iyo hor-u-mar u soo hoyn doona waddamada Afrika,gaar ahaanna waddamada Geeska Afrika.

Ururka Midawga Suxufiyiinta iyo sharciyaqaanada Afrika waxa uu u soo jeediyay waddamo uu sheegay in ay dagaal iyo xasillooni daro ka waddaan gobolka Geeska Afrika in aanay gobolka gelin khilaaf,gaar ahaanna Somaliland oo ay sheegeen in ay tahay waddan kamid ah waddamada ugu xasilloon,uguna nabada badan.

Sida oo kale,Ururka Midawga Suxufiyiinta iyo Sharciyagaanaqada Afrika ee ANA waxa uu Midawga Afrika u soo jeediyay in uu difaaco heshiiskan madax-banaanida ku dhisan oo ay tilmaameen in uu Meesha ka saaraayo khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii taariikhiga ahaa ee gobolka Geeska Afrika,isaga oo ka dhigaaya qaaradda sida ay sheegeen meel u jihaysata heshiisyo diblomaasiyadeed oo firfircoon iyo xaalado siyaasadeed oo dan u ah qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.

 

Qore: Maxamed Axmed Yusuf