Waxaanu si kooban ugu hadlay magacaabista guddida culimada Somaliland ee u magacaabay Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland.
Guddoomiyha ururka qareenadu isaga oo war-saxaafadeedkiisan kaga hadlay nidaamka loo maray magacaabista guddida culimada in aanay waafaqsanay dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo sida uu xeerku dhigayo.
Habka loo magacaabay maaha mid waafaqsan dastuurka jamhuuriyada Somaliland waana mid ka hor imanaysa dastuurka Qarank Jamhuuriyada Somaliland isla markaana jidaynaysa masuuliyad daro ka timaada ku dhaqan la’aanta dastuurka jamhuuriyada Somaliland.
Habka loo magacabayo gudida culilmada waxa tilmaamaya Qodobka 119aad ee dastuurka Qarank Jamhuuriyada waxanu u dhigan yahay sida tan
QODOBKA 119 ee Dastuurka
Magacaabista Xubnaha Guddida Culimada 1- Xubnaha guddida culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha Guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha Guurtida.
2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.
Magacaabadan guddidan culimada waxa xaq u leh Gudi isku dhafa oo ka kooban golaha xukuumadda iyo golaha Guurtida oo ah tiro is le’eeg ah waxaana an sixinaya golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland uma laha awood uu ku magaacaabo guddida culimada Jamhuuriyada Somaliland, magacaabista Guddidanina waa qayrul-dastuuri.
Sidoo kale magacabista guddidani waxay khilaafsan tahay QOD 116 ee dastuurka jamhuriyada Somaliland oo si cad u tilmaamaya tirade xubnaha ay noqonayaan gudida culimadu oo ah 11 xubnood, balse tirada xubnaha Madaxwaynuhu magacaabay oo ka kooban 12 xubnood taasi oo khilaafsan QOD 116. Sharci ahaana ay khalad tahay in la magacaabo tiro buuxda sababtoo ah guddidu waxay go’aanada ku gaadhaysaa cod hal dheeri ah. Kuna meel marayaan go’aamadoodu balse tiradan Madaxwaynuhu waxay abuuraysaa khilaaf iyo muran dastuuriya.
Sidoo kale wax yaabaha ka reeban guddidan culimadu dastuuriga ah in aanay ka tirsanayn hayada ama guddi kale oo qaran sida uu tilmaamayo qod 118 dastuurka jamhuuriyada Somaliland magacaabistan Madaxwaynaha waxa ka muuqata in ay khilaafsan tahay qodobanka 118 dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxana magacaabistiisa ku jira xubno ku jira guddiyo kale oo dastuuriya ah sida guddida cadalada ee jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba waxa jirta in aan xukuumadda Somaliland ixtiraamin kuna dhaqmin dastuurka jamhuuriyada Somaliland muddooyinkii u danbeeyeyn go’aamadii ka soo baxay xukuumadda jamhuuriyada Somaliland ay khilaafsanaayeen dastuurka jamhuuriyada Somaliland haddii aanay xukuumaddu dastuurka jamhuuriyada Somaliland ee ay xilka ku hayaan. Waxa ka dhalanaya masuuliyad daro sababi karta maamuuska xayuubin.
Sidaa daarteed ururka qareenadu waxay xukumada ku waaniyanaa in la ilaaliyo laguna dhaqmo dastuurka qaranka iyo xeerarka kale ee ka farcama.
Waxanan ugu digaynaa xukuumaddu in ay caadaysato go’aamo noocan oo kale ah oo qayral dastuuriya. Guddidana waa in loo maro qaabka u tilmaamayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo aan ku wargalinayaa golaha Guurtida in ay waajibaadkooda ka gutaan guddidan qayrul dastuuriga ah oo ay tilmaamaan qaabka loo soo xuluyo iyo cida xaqa magacaabida leh.
ALLah Mahad Leh
Maxamed Maxamuud Xaashii
Guddoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland