Ururka Qareennada Somaliland waxay taageereen sharcinimada go’aanka madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho

 

Guddoomiyaha ururka qareennada Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo qayaan “SOLLA” Maxamuud Maxamed Xaashi oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in markii ururka qareennada ee Somaliland ay eegeen go’aanka uu madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ay u muuqato in uu madaxweynuhu sharci ku taagan yahay, go’aankaasina yahay mid sharci ah.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu oo dhigan yahay sidan:

Ku. Dhammaan War-baahinta Madaxa Banaaan
UJeedo. War-Saxaafadeed ku Saabsan goโ€™aanka kala saarida labada doorasho

Ururka qarenada Somaliland e SOLLA isaga oo ka duulaya hadafka iyo ujeedooyinkii loo aas-aasay ururka e ahaa ilaalinta, dabaqaada iyo ku dhaqanka sharciga [rule of law]ย ย  dalka jamhuuriyada Somaliland.

Ururka qareenada Somaliland e SOLLA isaga oo guddanaya masuuliyadiisa ah inuu u iftiimiyo dadwaynaha reer Somaliland murranada sharci e la isku qabto si dadwaynuhu u ogaadaan sharci ahaan cida saxda ah.

Ururka qareenada Somaliland e SOLLA markuu darsayย  goโ€™aanka madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ku kala saaray labada doorasho e wakiilada iyo madaxwaynaha goโ€™aankaasi uu madaxwaynuhu u gudbiyey golaha wakiilada si ay u ansixiyan sidoo kalena aanuย  darisnayย  goโ€™aanka golaha wakiiladu ku ansixiyeen dalabkii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland.

Ururka qarenada Somaliland markay darseen baaq ay beesha caalamkuย  ka bixisay goโ€™aankan madaxwaynaha e lagu baahiyey warbaahinta iyada oo ay beesha caalamku kaga soo horjeesteen madaxwaynaha goโ€™aanka uu ku kala saaray labada doorasho.

Ururka qarenadu markay heleen xogo ay dadwaynaha reer Somaliland iyo qaar ka mid ah ururada aan dowliga ahayni ay iswaydiinayeen maalmahan oo ah in goโ€™aanka madaxwaynaha iyo goโ€™aankii hore e ay maxkamada dastuuriga ahi ku ansixisay goโ€™aankii guurtida, qadiyadahan iyo aaraahda fikiradan kala duwani waxay qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo dadwaynahaba ku abuuray cabsi islamarkan ku noqday mid ku culus ummada una baahan in loo iftiimiyo sharciga iyo fikiradan badan ka saxda ah si ay dadwaynaha reer Somaliland u taageeran dhinaca saxsan e sharciga ah.

Haddaba ururka qareenada Somaliland e SOLLA isaga oo ka duulaya ujeedooyinkii loo aas-aasay wuxuu goโ€™aansaday inuu dadwaynaha u iftiimiyo murranadan sharci e ku saabsan kala saarida labadan doorasho.

Waxa sharci ah oo lagu dhaqmayaa goโ€™aanka uu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland u ku kala qaaday labadan doorasho waxaana awood u leh soo jeedinta dib-u dhigista doorashada wakiilada madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland sida ku cad Qod. 42 xubintiisa 3 aad e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaanu madaxwaynuhu dabaqay awoodiisa sharci e ku xusan Qod.42 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ka masuul ah oo ummadda reer Somaliland u doorteen madaxwaynaha isagaana ummadu kala xisaabtamaysa masuuliyada loo doortay sharci ahaan.sida ku cad Qod.92 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu leenahay ummadani may dooran beesha caalamka e waxay dooratay oo madaxwayne u ah madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muddane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Dib-u dhaca doorashada wakiiladuna waa arin ku timid masuuliyad darradda golaha wakiilada oo aan diyaarin xeerkii lagu dooran lahaa golaha mar haddii aan xeer jirin haddana aanay diyaar u ahayn in la sameeyo iyada oo waliba jiraan duruufo badan oo caqabad ku ah samaynta xeer deg-deg ah oo hadda la bilaabo, samayn laโ€™aanta xeerka iyo caqabadaha ku xeeranina waxay sabab u yihiin dib u dhiga doorashada.

Waxa kale oo aanu halkan dadwaynaha uga iftiiminaynaa hadal haynta ay dadka qaar hadal hayaan e ah in goโ€™aankii dastuuriga ahaa e maxkamada sare hore uga soo saartay doorashada e ay maxkamada sare ku ansixisay goโ€™aankii guurtida e ku saabsanaa dib u dhigista labada doorashada, goโ€™aankaasi dastuuriga ah e ay maxkamadu hore u soo saartay kama hor-imanayo goโ€™aankan uu madaxwaynuhu ku kala saaray labada doorasho sababto ah sharci ahaan waa laba arimood oo kala duwan goโ€™aanka maxkamada dastuuriga ahi kamuu hadal in aan mar danbe dib loo dhigi Karin doorashada iyo in aan la kala saari Karin midna, balse waxay maxkamada ansixisay muddo kordhin ay guurtidu samaysay iyo mid ay komishanka iyo xisbiyadu sameyeen ayey maxkamadu goโ€™aankii guurtida ansixisay.

Sharci ahaan marka la fasiro ujeedada goโ€™aankii maxkamada e dastuuriga ahaa dulucda ay ka garnaqaysay ama murranka sharci e ay ka jawaabaysay wuxuu ku koobnaa ma goโ€™aanka muddo kordhinta e guurtida ayaa sharci ah mise goโ€™aanka muddo kordhinta e komishanka iyo xisbiyada aya sharci ah taana maxkamadu way ka jawaabtay oo waxay ansixisay goโ€™aankii guurtida.

Khilaafkan sharci e hadda loo gudbinayaana waa mid ka duwan kii ay hore u ansixisay oo kama hor-imanayo goโ€™aankeedii hore. Waana arin sharci ah oo ku xusan dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.Qod.101 e dastuurka qaranka Somaliland.iyo Qod. 6 xubinta 4 aad xarafka A,B e xerN0 24/2003 xeerka nidaamka garsoorka.

Ugu danbayn ururka qareenada Somaliland e SOLLA wuxuu si buuxda u taageerayaa goโ€™aanka madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland waana goโ€™aan sharci ah oo ku dhisan dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland

ALLahย ย ย ย ย ย  Mahadย ย ย ย ย ย ย ย ย  Leh
Mohamed Mohamoud Hashi
Guddomiyaha Ururka Qareenada Somaliland e SOLLA

Xigasho:ย www.gabileytv.com