Ururka Suxufiyiinta JSL ee JOLJA oo Tababar u Furay 40 Suxufi

Qore: Cabdiwahab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,  oo kaashanaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adda Nimad, ayaa shalay magaalada Hargaysa tababar uga furay  40 saxafi oo ka mid ah, Wariyeyaasha    ka hawlgala warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo-leeyahay.

Ujeedada Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa kawaramida arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta Anshaxa iyo iyo sidoo kale in ay warbaahintu ka fogaadaan wax kasta oo isku dhackeeni kara bulshadana kala qaybin kara.

Tababarkan waxa furay oo ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaadda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Mudane Mustafe Cabdi Ciise Shiine, waxaanu wariyayaasha faray in ay weeleeyaan casharada ay bixinayaan macalimiinta tababarkani loo soo xulay.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Shaafici Maxamed Ibraahim iyo saxafiyad Sahra Ciidle Nuur,    oo iyadu bixinaysay tababarkan, ayaa wariyayaasha ku booriyay inay si cadaalad iyo dheelitirnaani ku jirto ay uga waramaan arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac bulsho..

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Shaafici Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in 120 suxifi ay u qaban doonaan tababar la xidhiidha ka waramida arrimaha doorashooyinka, waxaanu xusay in 40-kii u horeeyay ay maanta u fureen.

Waxaanu yidhi.”Waxad qaadan doontaan tababar ku saabsan kawaramida doorashooyinka iyo maalmaha ololuhu socdaan, waxa ka faa,iidaysan doona waryayaal badan oo kula sugan goloda iyo dagmooyinka, Hargaysa waxa ka faa,iidaysan doona 120 Wariye”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com